”Xabbadeennu cidna ma taqaanno” – Fallaagada TPLF oo digniin culus u dirtay Soomaalida ku jirta dagaalka lagu qaaday

0

(Maqalla) 30 Agoosto 2022 – Jeer uu dagaal qaraari dib uga bilowday woqooyiga Itoobiya, fallaagada TPLF ayaa waxay qabsatay magaalada Qobbo oo la sheegay inay ka baxeen Ciidamada Federaalka Itoobiya kaddib markii dhulka buuraleyda ah ay labada dhinac ku dagaallameen.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, oo xalay wareysi siiyay Telefishinka Tigray ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka waxa keenay, macluusha degaanka Tigraay ka jirta iyo wadahadalladii nabadeed ee labada dhinac u dhaxeeyey halka ay ku dambeeyeen.

Wuxuu kale oo uu Getachew farriimo kala duwan u diray qowmiyadaha dalka Itoobiya haatan hoos tago oo ay Soomaalidu ka mid tahay, isaga oo u jeediyey in aysan ka qaybqaadanin dagaalka ka socdo woqooyiga dalkaasi.

Wuxuu usoo jeediyey in sida uu yiri ”ay aayahooda u halgamaan” isagoo xusay in ”xabbadda ay ridayaan in aysan kala garanaynin Soomaali, Amxaaro, ama cid kale.

”Cidna ma kala garanayso xabbaddeennu, qofka wejiga ayay uga dhaceysaa’. ayuu ku dooday.

Hadalsame Media