(Moscow) 30 Agoosto 2022 – Shirkadda Tamarta Ruushka ee Gazprom ayaa ku dhawaaqday haatan in gaaska ku qulqulaya dhuumaha Nord Stream 1 la xiri doono laga bilaabo Agoosto 31 oo berri ah ilaa Sebtembar 3 sababo dayactir la xiriira.
Xogta laga helay howl-wadeenka dhuumaha gaaska, Nord Stream AG, ayaa tilmaamaya in wax sahay ah oo gaas ah aan la marsiin doonin dhuumahaasi laga bilaabo 03:00 waqtiga Moscow ee caawa ilaa Agoosto 31.
Gazprom ayaa horay u shaacisay in sahayda gaaska ee la sii mariyo Nord Stream 1 gebi ahaanba la xiri doono laga bilaabo Agoosto 31 ilaa Sebtembar 2 si dayactir loogu sameeyo unugga kaliya cadaadiya gaaska ee haatan shaqada hayey.
Marka la dhammeeyo dayactirka haddii aanu muujin cillad farsamo oo dheeraad ah, waxaa lasoo celin doonaa bambaynta gaas heerkiisu yahay 33 milyan oo mitir kubbo maalintii, ama kaliya 20% awoodda ugu badan ee dhuumahan.
Tan iyo bishii Luulyo, dhuumaha Nord Stream 1 waxay ku shaqaynayeen awood ka yar caadigii, sababtoo ah waxaa la xirey dhowr marawaxadood gaaska riixayey.
Shirkadda tamarta Ruushka ee Gazprom ayaa sidoo kale xaqiijisay Talaadadan inay jartay sahaydii ay siin jirtay shirkadda Faransiiska ah ee Engie.
Nord Stream 1 oo badiyaa marta Badda Baaltigga ayaa gaaska gaysa dalal uu ka mid yahay Jarmanka.
Hadalsame Media