(Moscow) 29 Agoosto 2022 – Ruushku ayaa la sheegay inuu Yurub ka xiran karo gaaska dabiiciga ah ee uu u dhoofiyo gebi ahaan in ka badan hal sano, iyada oo aanay wax dhibaato ihi gaarin dhaqaalaha dalkaasi, sida uu sheegay Bloomberg, iyada oo soo xiganaysa istiraatijiiste ka tirsan Capital Economics.
Joojinta sahayda gaaska ee sanadka oo dhan uu Ruushka sameeyo ayaa dhici karta “iyada oo aan cawaaqib xun ku yeelan dhaqaalihiisa.” ayuu yiri Liam Peach, mid ka mid ah dhaqaalayahanka Capital Economic.
Sida laga soo xigtey Peach, inkastoo mugga gaaska Yurub la siiyo hoos loo dhigay haatanba, misna dakhliga rubucii koowaad ee sanadkan ee Ruushka ee ka soo baxa dhoofinta gaaska ayaa waxay noqon kartaa $20 bilyan oo Dollar, taasoo sanadkan dhan gaari karta 100 bilyan, haddii ay sidan ku socoto.
Dhowr hoggaamiye oo Yurub ah ayaa marar badan ku eedeeyey Moscow inay gaaskeeda u adeegsatey hub sidii siyaasadeed, iyadoo Kremlin-ku ay diideen eedeynta. Cilladdii ugu dambaysey ee dhuumaha Nord Stream 1, oo ah marinka gaaska muhiimka ah ee ka yimaada Ruushka ilaa Yurub, ayaa ku kallifay Gazprom in ay hoos u dhigto mugga gaaska, taasoo qiimihii cirka ku shareertay.
Tijaabo kale oo wayn oo suuqa gaaska ah ayaa la filayaa inay soo baxdo usbuuca soo socda, marka ay cimaaliqada tamarta ee Gazprom ay xirto dhuumaha Nord Stream 1 muddo saddex maalmood ah shaqooyin dayactir ah awgood, laga bilaabo bishan Agoosto 31.
Hadalsame Media