Dal Galbeed ah oo damacsan qaadista tillaabo ka dhan ah Soomaalida halkaa joogta

0

(Hadalsame) 29 Agoosto 2022 – Dowladda dalka Canada ayaa dhowaan sheegtay in dad Soomaali ah oo dalkaasi ku sugnaa la mastaafurinayo kadib markii lagu qanci waayay jinsiyadda ay sheegteen ee Soomaalinimo iyo waraaqaha ay dalkaasi lasoo galeen.

Kaddib waxay mas’uuliyiinta Jaaliyadaha Soomaalida ee Canada ku hawlanaayeen sidii ay xal ugu heli lahaayeen xaaladda dadkaasi joogitaankooda muranka la galiyay.

”Dadaallada aan wadno waxaa ka mid ah inaan qareenno u qabanno dhallinyaradan oo lagu muransan yahay inay Soomaali yihiin oo ay wataan baasaboorro Kenyan ah.” ayay yiraahdeen Jaaliyadda Soomaalida Canada.

Wariyaha VOA Xuseen Nuur Xaaji ayaa warbixintan Toronto nooga soo diray.

Hadalsame Media