(Hargaysa) 28 Agoosto 2022 – Guddi loo saaray gubashadii Suuqa Waaheen ee magaalada Hargaysa ayaa soo jeediyey hadal dad badani ku tilmaameem mid kedo ah oo aan looga fadhiyin, kaddib markii ay sheegeen inay dadku dhisan karaan meheradihii ka gubtey.
Guddigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Abdirisaaq Xuseen Albaan, ayaa isla isaga oo afkooda ku hadlaya wuxuu hilinka Horncable TV u sheegay inaysan waxba haatan isugu harin iyaga iyo shacabka oo ay diyaariyeen naqshaddii lagu dhisi lahaa suuqa, sidaa darteed uu qof kasta wixiisa gaar u dhisto.
Wasiirka ayaa sheegay in maamulku uu dhisi doono wixii hanti guud ah, balse ay dadka gaarka ihi ay woxooda iyagu dhistaan waxa qura ee ay heli doonaanna ay tahay wax uu ku sheegay ”naqshad” halka qofkii kale laga doonayo inuu qandaraas keensado.
wuxuu sidoo kale meesha ka saaray in sidii hore loo degi doono isagoo iclaamiyey in jidad waawayn suuqa laga banneeyey, taasoo iyaduna cuni doonta boosas badan oo ay dad ku ganacsanayeen mana la sheegin sida dadkaasi laga yeelayo.
Dad badan oo warkan ka fal-celiyey ayaa durba bilaabay inay is waydiiyaan waxa ilaa haatan loo soo gaarsiiyey dhismaha suuqa haddii uu qofka kaligii meeshiisa dhisanayo, halka qaar kale ay tuhmayaan inay taasi ka dhigan tahay in la lunsaday lacago badan oo loosoo ururiyey dadkii suuqan ku hanti beelay, taasoo 20m oo Doollar ka badnayd.
Hadalsame Media