(Hadalsame) 28 Agoosto 2022 – Labo Markab oo kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa haatan maraya marin biyoodka Taiwan, sida ay shaaciyeen Ciidamada Badda Maraykanku.
Waa howlgalkii ugu horreeyey oo noocaan ah oo dhaca tan iyo markii ay sii korodhay xiisadda u dhaxaysa Taiwan iyo Shiinaha kaddib markii ay halkaa booqatay Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka ee Nancy Pelosi horraantii bishan.
Shiinaha ayaa arrintaa hore kaga falceliyey samaynta dhoollatusyo millateri oo ballaaran oo xiriir ah oo uu ka sameeyey aaggaasi.
Ciidamada Badda ee Maraykanka iyo kuwa kale ee reer Galbeedka ayaa si joogto ah uga shiraacda marin-biyoodkan sanadihii u dambeeyey, taasoo aalaaba ka caraysiisa Shiinaha maadaama ay kala dhex marayaan Shiine waynaha iyo jasiiraddan oo ay Beijing u aragto dhul iyada ka tirsan.
Washington ayaa sheegtay in labada markab ee gantaalaha la hago sida – USS Antietam iyo USS Chancellorsville – ay muujinayaan xorriyadda ku socodka biyaha caalamiga ah.
Beijing waxay u aragtaa falalkan kuwo xaaladda kicinaya waxayna ku adkaysanaysaa in jasiiradda Taiwan ay tahay qayb ka mid ah dhulka Shiinaha.
Hadalsame Media