”Ma saad biddaal ah ayaad noo haysaan?!!” Dal ka tirsan NATO oo si cad u diiday cunaqabataynta gaaska Ruushka

0

(Hadalsame) 28 Agoosto 2022 – Dal ka tirsan NATO ayaa diidey inuu xitaa ka gorgortamo xayiraad kasta oo EU-da ka timid oo lagu beegsanayo tamarta Ruushka sababtoo ah ma jiro wax ay beddelan karaan sahayda hadda jirta ee Moscow, sida uu caddeeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Hungary Peter Szijjarto oo mar dhow hadlay.

Midowga Yurub ayaa dhowr wareeg oo cunaqabatayn ah ku soo rogey Moscow si ay uga jawaabaan duullaanka Ukraine, waxayna riixayaan qorshe ah in gebi ahaanba la joojiyo saadka tamarta ee Ruushka laga iibsado.

“Xitaa diyaar uma nihin in aan ka gorgortanno wax cunaqabatayn oo xagga tamarta ah, ha ahaato saliid ama gaas,” ayuu ku qayliyey Szijjarto oo warkaa ka sheegay madal dhaqaale oo ka dhacday Tihany, isaga oo intaa ku daray in ” geesinnimada xukuumadda Hungary” ay ka caawisay Budapest in ay u adkaysato oo u babac dhigto cadaadiska Brussels.

“Ma jiro wax tamar ah oo lagu baxsan karo oo ay heli karto Yurub iyada oo aan la isticmaalin ilaha Ruushka.” ayuu raaciyey Szijjarto, isaga oo ku doodaya in gaaska Ruushka aan la bedeli karin mustaqbalka dhow.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa intaa ku daray in “jawaabta cunaqabataynta ee inta badan la marin habaabiyey” kaddib ololaha millateri ee Ruushku ay tahay mid ka mid ah arrimaha kicinaya sicir-bararka kana qayb qaadanaya hoos u dhaca dhaqaalaha caalamiga ah.

Hadalsame Media