”Lama ganacsan kartaan Ruushka!” – CIA oo hanjabaad ku bilowday ganacsatada dal Muslim ah (Hal arrin oo la dhibsaday)

0

(Hadalsame) 28 Agoosto 2022 – Hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Maraykanka ayaa “si cad” ugu hanjabtey ganacsatada Turkiga inay la ganacsadaan Ruushka, iyagoo ku fooggan heshiisyada hantida maguurtada ah ee ay ka qabaan walaaca ku saabsan hareer maridda suurtagalka ah ee cunaqabataynta Maraykanka, sida ku dhigan warqaadka Yeni Safak.

Wargaysku waxa uu ogaadey in madaxa Xafiiska CIA-da ee Turkigu uu u yeerey shaqaale sarsare oo ka shaqeeya shirkadaha dhismaha, isaga oo wax ka waydiiyey wax kala beddelashada iyo tafaasiil kale oo sir ah ee in hantida maguurtada ah ee ay dhowaan iibiyeen ay ku lug leeyihiin shirkado ama shakhsiyaad Ruush ah.

Sida warbixinta lagu sheegay sarkaalkan ka tirsan CIA-da ayaa waraysi la yeeshay ganacsato Turkish ah isaga oo ku gabbanaya la socodka cunaqabataynta ka dhanka ah Ruushka ee uu Mareykanka soo rogey.

Waxa uu xiisaynayey in uu ogaado tirada saxda ah ee “guryaha laga iibiyey Ruushka”, kanaallada la mariyo iyo lacagta loo isticmaalo wax kala iibsiga, iyo in lacagaha lagu bixiyey dhanka bangiga ama lacag caddaan ah oo gacanta lagu hayo.

Waa tusaale kale wax ay warbaahinta Turkigu ku tilmaantay “faragelin lagu sameeynayo arrimo ka baxsan waajibaadka [Maamulka Maraykanka]” waxaana haddii dib loo yara laabto ugu daran warqad la sheegay inuu Xigeenka Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka, Wally Adeyemo, u diray Ururka Wershadaha iyo Ganacsiga Turkiga (TUSIAD) Agoosto 22.

Todobaadki hore, Adeyemo waxa uu wada hadal dhanka telefoonka ah la yeeshay Wasiir Xigeenka Maaliyadda ee Turkiga Yunus Elitas, waxa uuna “soo qaaday walaaca laga qabo in hay’adaha iyo shakhsiyaadka Ruushku ay isku dayayaan in ay u adeegsadaan Turkiga si ay uga baxsadaan cunaqabataynta ay saareen Maraykanka iyo 30 dal oo kale”, sida ku qoran bayaan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka.

Hadalsame Media