(Addis Ababa) 28 Agoosto 2022 – Korontada Itoobiya (EEPCo), oo ah wakaaladda dowladda u qaabilsan soo saarista korontada, ayaa sheegtay in Itoobiya ay bilaabi doonto iibinta korontada dalka ay deriska yihiin ee Kenya bisha Nofeembar ee soo socota.
Arrintan waxaa tilmaantay Hiwot Eshetu, oo ah ku Simaha Madaxa Suuqgeynta iyo Horumarinta Ganacsiga ee EEPCo, oo tilmaantay in Itoobiya ay koronto ka iibin doonto Kenya 25-ka sano ee soo socda. Heshiiska tamarta ee labada dal waxa uu marayaa saddex weji.
Wejiga 1-aad Itoobiya waxay iibin doontaa inta u dhaxaysa 25 megawatt ilaa 200 megawatt. Muddada saddexda sano ah ee labaad mugga tamarta Itoobiya ay siin doonto Kenya waxaa la kordhin doonaa ilaa 400 megawatt.
Kaddib waxay Kenya joogto sanadkii u iibsan doontaa 400 megawatt oo koronto iyadoo halkii kilowatt-saacaddii laga siin doono $6.5 sinti oo Doollar.
Itoobiya ayaa sidoo kale lacag ka badan $100 milyan oo Doollar koronto kaga iibin doonta dalalka Jabuuti iyo Suudaan ee deriska la ah.
Itoobiya ayaa si ay u balaariso suuqeeda, waxa ay sidoo kale qalinka ku duugtey heshiis is-afgarad ah oo ay la gashay Koonfurta Suudaan, Somaliland, iyo Tanzania si ay u siiso tamarta korontada rakhiista ah ee la cusboonaysiin karo oo u badan mid biyaha laga dhalinayo.
Hadalsame Media