(Hadalsame) 28 Agoosto 2022 – Iska horimaadyo ayaa ka dhacay magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya, kuwaasi oo u dhexeeya ciidamo kala taabacsan Ra’iisal Wasaareyaal iska soo horjeeda, iyadoo ay hoos u dhacday rajadii laga qabey doorasho si loo abyo qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaasi ka taagan.
Sida ay warbaahinta guduhu sheegeen, ilo-wareedyo ciidan ayaa sheegaya in shalay oo dhan uu dagaal xooggan ka dhex socdey malliishiyaad iska soo horjeeda oo ku hareeraysan xarumaha dowladda iyo goobaha caanka ah ee magaalada, dagaalkaas oo la isku adeegsaday madaafiic culus. Ilaa hadda, ugu yaraan 23 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen dagaalka.
Iska horimaadka ayaa dhacay kaddib markii malliishiyaad taabacsan Dowladda Midnimada Qaran (GNU) ay difaacyo ka samaysteen degaannada ku hareereysan Tripoli, oo ay ku jiraan in la xiro waddooyinka ilaa 160 KM dhanka bari ee u dhow magaalada Zliten, si looga hortago ciidamada daacadda u ah Musharaxa Ra’iisul Wasaaraha Fatxi Bashagha ee bariga fadhiya inuu soo gaaro caasimadda.
#فيديو: أشتباكات بالأسلحة المتوسطة والثقيلة في شارع النصر #طرابلس #ليبيا pic.twitter.com/Elk5St4t7v
— ليبيا لحظة بلحظة (@3dhzn) August 27, 2022
Isku dayga Bashagha uu ku doonayo inuu xoog ku qabsado Tripoli ayaa yimid kaddib bilo ay xiisadi ka dhex taagnayd isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha fadhigiisu yahay galbeedka ee Abdul Hamid Dbeibah, kaasoo ahaa Ra’iisul Wasaare ku meel gaar ah u ah dowladda cusub ee la isku raacsan yahay ee Liibiya oo la dhisay sannadkii hore kaddib markii ciidamada bariga oo uu horkacayey Khaliifa Xaftar ay ku guuldarraysteen isku daygii ay ku doonayeen inay ku qabsadaan caasimadda Libua ee galbeed sannadkii hore.
QM ayaa ku baaqday xabbad joojin deg deg ah iyo in la hakiyo colaadda garabyadan ku dhex maraysa caasimadda Tripoli oo u qaab eg wixii Muqdisho ka jirey horraantii 90-meeyadii.
Hadalsame Media