Dadwaynaha Muqdisho oo ka dhiidhiyey dulmi muddo soo socdey oo haatan xarkaha goostay

0

(Muqdisho) 28 Agoosto 2022 – Dhowaan  boqolaal shacab ah ayaa xiray qeybo kamid ah waddada isku xirta KM4 iyo dugsiga 21-ka October ee magaalada Muqdisho.

Dadkaan kama cabanayaan shaqo la’aan, sicir barar ama burburka waddada, balse waxay ka cabanayaan dilka darawal waday gaari xamuul ah oo uu toogtay mid kamid ah askarta dowladda ee jooga agagaarka hotelka Naaso Hablood 1 oo kaabiga ku haya isgoyska KM4.

Ninka dilka gaystey waa askari boolis ah, lacag uu cadadkeedu hooseeyo oo laba dollar lagu sheegay, taas oo uu askarigu dalbaday ayaa dilka sababtay, sida ay ku warameen dadkii ka ag dhawaa goobta dilka ka dhacay.

Askarigii dilka geystay ayaa lasoo wariyey inuu baxsaday. Darawallada iyo milkiilayaasha gaadiidka alaabta kasoo qaada dekadda magaalada Muqdisho ee u qeybiya qeybaha kale  ee magaalada ayaa dhowr jeer cabasho ka muujiyey ciidanka dowladda ee jooga waddooyinka caasimadda kuwaas oo isugu dara dhac iyo dil.

Dad badan waxay is waydiinayaan waxa kordhiyey dilalka ay ciidamada dowladda u geysanayaan shacabka caasimadda, waxaase jirta hal arrin oo aan weli la xusin waana dilaa aan weli la xukumin oo loo diray inuu dad xukumo.

Askar badan oo gacan ku dhiiglayaal ah oo dad dilay kadibna ka baxsaday cadaaladda ayaa dib loogu igmaday inay iyagu sugaan amniga shacabka iyo waddooyinka caasimadda.

Maahmaahda xun ee ah “Nin hal dilay hal uma daaho,” ayey askarta Muqdisho waafajiyaan afka hore ee qorigooda.

Inta ay waddooyinka caasimadda taagan yihiin askar dilal hore geysatay oo cadaaladda ka baxsaday waa adag tahay in dilalkaan joogtada ah maaro loo helayo ayey leeyihiin shacabka caasimadda.

Dowladda cusub hee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laga sugayaa sida ay u beddasho wajiga ciidanka ilaaliya waddooyinka iyo xaafadaha magaalada Muqdisho.

Inta dilaaga aan la xukumin uu isagu wax xukumayo xaalku waa adkaan doonaa.

W; Q: Cabdullaahi Cusmaan Faarax

Hadalsame Media