(Garoowe) 27 Agoosto 2022 – Wararka ka imanaya Madaxtooyada Puntland ee fadhigeedu yahay Garoowe ayaa sheegaya inay halkaas ka socdaan kulamo xasaasi ah uu dhexeeya Madaxwaynaha DF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni.
Kulamadan oo la sheegay inay albaabadu u xiran yihiin ayaa jiitamaya in ka badan 24 saac oo xiriir ah tiiyoo aan waxba micne weli la isku raacin marka danta dalka iyo dadka la eego.
Warar ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Puntland ee Saciid Cabdullaahi Deni uu diidey in kulanka ay qayb ka noqdaan wefdigii la socdey Madaxwaynaha, oo uu xitaa ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibedda DF Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse, oo degaan ahaan Puntland kasoo jeeda, balse la sheegay inaysan sidaa iskugu fiicnayn MW Puntland.
AAN QAADKA QAYBSANNO – Waxaa xogaha la isku hallayn karo ka mid ah in MW Deni waxyaabaha uu diiradda saarayo ay ugu muhiimsan yihiin inuu saami ka helo Jaadka Somalia la keeno kaasoo uu MW hore ee Farmaajo ka dhigay meel ay siyaasiyiintu ka faashleeyaan, halkii uu awal iska ahaa ganacsi bulshada u gaar ah, kaasoo ay kooxda haatan timidna ay halkiisii kasii ambaqaadday meeshii ay ka sixi lahayd khaladkaasi.
MW Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu Jaadka Kenya si hal-gacanleey ah (monopoly) ugu xirey rag laga xusay Maxamed Xuseen Roobe, RW hore, Cabdullaahi Nuur, Wasiirkii hore ee Amniga, iyo Maxamed Cajiib oo haatan ah xildhibaan.
Deni ayaa la sheegay inuu ku gorgortamay in saamiga la ballaariyo iyadoo ay wararku sheegayaan in wax loo ogolaaday, isagoo doonaya inuu ku qorto, wararka qaarna ayba sheegayaan inuu ku qortay wiil uu isagu dhalay.
Arrintan ayaa muujinaysa heerka liita ee ay maanta marayso siyaasadda Somalia oo aan awalba nacfi badan u lahayn shacbiga Soomaaliyeed ee aadka u daallan diihaalkuna uu ku daahay.
Hadalsame Media