(Ankara) 27 Agoosto 2022 – Turkiga ayaa sheegay inaanu marna aqbali doonin wax shuruud ah oo ku xiran isticmaalka diyaaradaha F-16 ee uu ka dalbaday Maraykanka, sida uu hoosta ka xarriiqay Wasiirka Difaaca Turkiga ee Hulusi Akar Jimcihii shalay.
Waxa uu ka hadlayey ololaynta Giriigga iyo sharci ay ansixiyeen sharci-dejiyayaal Maraykan ah, oo caqabado cusub u abuuraya wax kasta oo uu Turkigu kasoo iibsado Maraykanka.
Aqalka Congress-ka Maraykanka, ayaa bishii Luulyo soo jeediyey in Madaxwayne Joe Biden loo ogolaado inuu Turkiga ka iibiyo F-16-ka lana casriyeeyo raxanta ay haatan haystaan iyadoo shuruud Ankara looga dhigayo inaysan ku adeegsan doonin hawada dalka Giriigga, haddii aan Maraykanku ogolaalin.
“Waxaan rabnaa in aan cadayno in aanan aqbali doonin arrintan. Waxaanse qiimaynaynaa in arrintan wax lagaga qaban karo shaqo laga qabanayo dhinaca Aqalka Cad iyo Koongarayskaba.” ayuu yiri.
Akar oo waraysi siinayey idaacada A Haber ee dalka Turkiga ayaase rajeeyey in aysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya in nidaamka iibka diyaaradahan ay ka dhalan doonto natiijo xun sida dib u dhac ama shuruudo lasoo jeediyo.
Madaxwayne Joe Biden ayaa horay u sheegay in uu ka shaqayn doono sidii uu sharci-dajiyayaasha ugu qancin lahaa in la daabulo diyaaradaha F-16 ee ay doonayaan Ciidamada irCka ee Turkiga.
Wefdi ka socda Turkiga ayaa iyana u duulay Washington bishan Agoosto 15 si loo dabagalo ballanqaadka Biden.
Hadalsame Media