(Hadalsame) 26 Agoosto 2022 – Puntland looma dhisin in koox yari ku danaysato oo kolba siday doonaan u musuqmaasuqaan dhaqalaha canshuurta ee shacabka laga qaado, iyadoo wax isla xisaabtan ah aanu jirin oo sidii la doono loogu tagrifalo awoodda Puntland.
Puntland waxaa loo dhisay inay raadiso midnimada iyo wadajirka Soomalia ee looma dhisin arrimo shakhsi kursi doonaya hangool ka dhigtaan mar walba ka horkeena dowladda Somalia, iyagoo kooxdaas abuuraya khilaaf taagan oo aan dhamaad laheyn.
Reer Puntland ma doonayaan, mana taageerayaan siyaasi carreysan oo kursi uu waayey darteed u duminaya Qaranimada Soomalia.
Yaan maalin walba lagu marin habaabin shacabka Puntland cadowgeenna weeyaan kolba madaxda qaranka ee Soomaaliya loo doorto, dib iyo horay diid yaan la noqon mar walba.
Waxaaa ku tallinayaa in laga shaqeeya danta qaranka Soomaaliyeed, iyadoo laga hormarinayo wax walba danta guud, waanna in danaha gaarka ah ee shakhsiyadeed meel la iska dhiga.
Dalkeenna Soomaaliya wuxuu u baahan yahay siyaasad heer qaran iyo shacab mideysan oo looga gudbo dhibaatooyinka ragaadiyey in ka badan soddon sanno.
W; Q: Siyaasi Bille Qabowsade
Hadalsame Media