(Hadalsame) 26 Agoosto 2022 – Taliyaha Booliiska Kenya Jeneraal HILARY NZIOKI MUTYAMBAI ayaa qoraal uu soo saaray dadweynaha dalkaas ugu sheegay in uu shaqada ka maqnaan doono muddo aan cayineyn.
Taliyaha ahaa arrintaas u sababeeyey in uu baaritaan caafimaad aadi doono. Ma uusan sheegin halka uu caafimaadka u aadayo iyo waxa haya, balse wuxuu qoraalka ku xusay in ay arrintaasi bilaabanayso maanta 26-ka Agoosto.
Warqad uu soo saaray ayuu ku xaqiijiyey Nuur Gaabow oo ah ku xigeenkiisa intii sii ahaan doono Ku Simaha Taliyaha Booliiska.
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo arrintaas ka fal-celiyey ayaa duray tillaabada taliyaha oo tuhun dhalisay.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli Kenya ay ka dhacday doorasho muran ka dhashay oo hadda Maxkamadda sare laga sugayo go’aan kaddib markii uu Raila Odinga oo laga guuleystay dacwo u gudbiyey.
W; D: Maxamed Kaafi
Hadalsame Media