(Washington, DC) 26 Agoosto 2022 – Maraykanka ayaan hadda siinayn nidaamka Kyiv gantaalaha riddada dheer ee ATACMS sababtoo ah inta badan bartilmaameedyada Ruushka waxaa gaari kara noocyada kale ee hub ay haystaan, sida uu ku qiil samaystay sarkaal sare oo ka tirsan Pentagon-ka oo arrintan sharaxay.
Qiimayntan ayaa waxaa sameeyey Wasiir Xigeenka Difaaca Mareykanka ee dhanka siyaasadda, Colin Kahl, xilli uu warbaahinta uga warbixiyay kaalmada milateri ee la siinayo Ukraine.
“Waa qiimeynteenna in aysan hadda u baahnayn ATACMS si ay gaaraan bartilmaameedyada sida tooska ah ula xiriira dagaalka hadda socda,” ayuu yiri. “Waa xukunkeena hadda waa inaan diirada saarno gantaalaha GMLRS, ee aynaan dhiibin kuwa ATACMS.”
Labada noocba waxaa ridi kara gantaalaha M142 High Mobility Artillery Rocket System (HIMARS) ee uu Maraykanku sameeyo iyo M270 Multiple Launch Rocket System (MLRS), kuwaas oo Maraykanka iyo UK ay wada siiyeen Ukraine, balse lama siinnin gantaalaha riddada dheer ee gaari kara gudaha Ruushka.
Haddii si kale loo yiraahdo Ciidamada Ukraine hadda waa haystaan gaadiidka laga rido gantaalahan, balse lama siinin gantaalaha ATACMS.
Tusaale, gantaal Ridaha Wadareed ee la Hago (GMLRS) way ka yar yihiin kuwa kale, waxayna gaarayaan masaafo dhan ilaa 80km.
Balse Midka Hannaanka Taatikada Gantaalaha ee MGM-140 Army Tactical Missile System (ATACMS) waa gantaal baalistig ah oo ka ridda dheer wuxuuna socon karaa ilaa 300km.
Ruushka ayaa marar badan horay uga digey in Galbeedku ay Ukraine siiyaan gantaalo gaari kara gudaha Ruushka, lamana oga in Maraykanku uu arrintaa maanka ku hayo iyo in kale.
Hadalsame Media