(Hadalsame) 26 Agoosto 2022 – Magaalo wayn oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday inay waydiisan doonto Midowga Yurub inay si ku meel gaar ah uga dhaafaan cunaqabataynta ka dhanka ah Ruushka.
Magaaladaasi oo ah Hague oo ka tirsan Nederlands, taasoo lagu yaqaan fadhiga Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada, ayaa lagu soo waramayaa inay rabto inay sii iibsato gaaska dabiiciga ah shirkadda tamarta Ruushka ee Gazprom ilaa laga helayo saad bixiye kale.
Sida ay ku warrantay Wakaalada Wararka ee Reuters, Golaha Degaanka ee magaalada Hague ayaa khamiistii shalay ahayd soo bandhigay qorshayaashoodan, iyaga oo tilmaamay in maamulka dowlada hoose ay qabteen tartan qandaraas bixineed oo balaaran oo gudaha Midowga Yurub ah bilihii Juun iyo Luulyo, balse ay ku guuldaraysteen inay helaan cid siisa wax ay uga maarmaan gaaska Ruushka.
Cunaqabataynta Midowga Yurub, ee lagu soo rogey Ruushka si looga jawaabo weerarka millateri ee Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine, ayaa ka dhigan in dhammaan dowladaha iyo hay’adaha dowliga ah ee ku jira ururka EU ay joojiyaan qandaraasyada ay hadda kula jiraan shirkadaha Ruushka bisha Oktoobar 10.
Maamulka Magaalada Hague ayaa se waxay ku kalsoon yihiin inay ugu dambayn heshiis la geli doonaan saad-bixiye kale, laakiin aan sidaa la yeeli karin kahor bisha Oktoobar, sida lagu muujiyey warqad loo diray golaha magaalada oo uu u diray ku xigeenka duqa magaalada Saskia Bruines oo ay soo xigatey Reuters.
“Waxaan codsan doonnaa in nalaka dhaafo hirgelinta cunaqabataynta ilaa Jannaayo 1, 2023 si loo dammaanad qaado in la helo sahay lagu kalsoonaan karo.” ayuu yiri sarkaalku.

Hadalsame Media