(Hadalsame) 26 Agoosto 2022 – Aasaasaha Facebook ee Mark Zuckerberg ayaa sheegay in uu ka shaqeeyey in la xaddido faafidda sheekada qaraxdey ee ku saabsan wiilka Madaxwayne Joe Biden, ee Hunter, kaddib markii ay Hay’adda sharci fulinta federaalka ee FBI u sheegtay inuu “ka digtoonaado” inuu faafiyo wax ay ku sheegeen “macluumaad khaldan oo shisheeye.”
Zuckerberg wuxuu si qoto dheer uga hadlay murankan intii lagu jirey barnaamijka Joe Rogan ee Khamiistii, isagoo difaacay jawaabta Facebook ee warbixintii New York Post ee la daabacay kahor doorashadii 2020 taas oo wiika MW Biden lagu eedeeyey ganacsiyo ganacsiyo mugdi ku jiro oo uu sameeyey Hunter Biden, iyadoo la tixraacayo dukumentiyo laga helay mid ka mid ah Laptop-yadiisa, oo lasoo xigtey.
In kasta oo maamulaha guud uu xusay in Facebook “ay qaaday waddo ka duwan tii Twitter” – taasoo si toos ah uba mamnuucday sheekada oo xitaa ka hor istaagtey dadka isticmaala inay isla wadaagaan farriimaha tooska ah – wuxuu sheegay in kooxdiisu ay ugu dambayntii go’aansatay inay xaddido faafinta sheekadan iyadoo la raacayo talo uu ka helay FBI.
“Waxaan ka fikirney, haddii FBI – oo aan weli u arko inay tahay hay’ad sharci ah oo xirfadleey ah oo dalkan ka jirta – haddii ay noo yimaadeen oo ay noo sheegeen inaan u baahan nahay inaan arrintan iska ilaalinno, markaa waa arrin mudan in si dhab ah loo qaato.” Ayuu yiri Mark.
Sheekadan oo si kastaba ay markii dambe daabaceen hay’ado ay ku jiraan New York Post, waxay FBI-du xadidaaddeeda ugu qiil samaysanaysey inay tahay dacaayad uu Ruushku faafinayo oo lagu saamaynayo doorashada guud ee Maraykanka.
Hadalsame Media