(Hadalsame) 25 Agoosto 2022 – Kaddib markii uu kaydka hubka Jarmanku uu aad hoos ugu dhacay, wershadaha agabka difaaca ee waddanka Jarmanka ayaa waxaa lagu boorriyey inay hub iyaga uun u gaar ah usoo saaraan dalka Ukraine, sida ay tiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi Annalena Baerbock.
Intii lagu guda jirey waraysi ay siisay telefishinka ZDF Arbacadii, Wasiirka Jarmanka ah ayaa la waydiiyey in Kiev ay ku guuleysan karto khilaafka Ruushka.
“Ma garanayno taas,” ayay ku jawaabtey, laakiin waxay ballanqaaday in Berlin ay “samayn doonto wax kasta oo suurtogal ah” si ay u caawiso Ukraine.
Si kastaba ha ahaatee, Baerbock ayaa qiratay in hub siinta Kiev ay ku noqotay Jarmanka mid si isa soo taraysa aad ugu adag maadaama ciidanka JARMANKA laftoodu ay la ildaran yihiin qalab yari.
“Nasiib darro, xaaladda halkan ka jiraa waa mid aan dhihi karno kaydkeenna.” ayuu yiri siyaasiga xisbiga Green Party.
The German defense industry should therefore “produce hardware specifically for Ukraine,” instead of the country having to share weapons from its own arsenal.
Wershadaha Agabka Difaaca Jarmanku waa inay sidaas darteed “soo saaraan qalab gaar ah oo loogu talagalay Ukraine,” halkii uu waddanku uu kaydka hubkiisa la wadaagi lahaa dalka Kale.
Hadalsame Media