RW Xamse oo soo saxay arrin uu ka xumaaday Maamulka HirShabeelle + Sawirro

0

(Beledwayne) 25 Agoosto 2022 – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Mudane Hamsa Cabdi Barre ayaa soo saxay hadal ay horay uga xajiimoodeen Maamulka Hirshabeelle.

RW Xamsa ayaa haatan qiray Madaxwaynaha Maamul-gobolleedka HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Guudlaawe, oo kormeeray ciidamada millateriga ee la dagaallamaya kooxaha argagixisada, sida lagu yiri qoraalka.

“Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay ciidamada guulaha ay ka gaareen deegaannada laga xoreeyay kooxda nabad-diidka ee gobolka Hiiraan — isaga oo ku tilmaamay inay yihiin geesiyeyaal difaacaya Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka cusub.

“Mudane Xamse waxa uu ballanqaaday in xukuumaddu taageero iyo hiil ay la garab taagan tahay ciidamada iyo dadka deegaanka ee isku xilqaamay sidii ay cadawga isaga qaban lahaayeen.” Ayaa daba dhigay.

Warkan ayaa yimid xilli ay Madaxtooyada HirShabeelle ay iyaduna hoos u dhigtay mansabka RW Barre oo isagu aan horay u xusin MW HirShababeelle & Cali Guudlaawe midna.

Hadalsame Media