(Hadalsame) 25 Agoosto 2022 – Dowladda Jarmanka ayaa ansixisay dhow tillaabo oo looga gol leeyahay in lagu dhimo isticmaalka gaaska inta lagu jiro xilliga qaboobaha ee soo socda, sida uu Wasiirka Dhaqaalaha ee Robert Habeck u sheegay suxufiyiinta kaddib shir ay Golaha Wasiirradu ay ku yeesheen Berlin Arbacadii.
Sidoo kale, boorarka xayaysiisyada bannaanka iyo nalalka dukaamada iyo taallooyinku ayaa la damin doonaa laga bilaabo 10pm ilaa 6am wakhtiga maxaliga ah. Waxaa intaa dheer, milkiilayaasha dukaamada waxaa lagu boorrin doonaa inay ka fogaadaan inay albaabada dhismahooda furaan waqti dheer si ay u ilaashadaan una beeqaamiyaan kulaylka.
Tillaabooyinkan ayaa la filayaa in si tartiib tartiib ah loo dhaqangeliyo laga bilaabo Sebtembar 1 illaa Oktoobar 1. Waxaa sidoo kale jira qorshayaal lagu daminayo kululeeyeyaasha waddooyinka, koridoorrada dabaqyada, iyo qolalka farsamada ee dhismayaasha dadwaynaha, iyadoo la mamnuuci doono in barkadaha guryaha ee gaarka loo leeyahay lagu kululeeyo gaaska.
Tillaabooyinka ayaa naga caawin doona dhimista isticmaalka tamarta, laakiin ma aha ilaa xad aan dib u fariisan karno oo aan dhihi karno, intaas bay ku dhan tahay… Isticmaalka gaaska ayaa la dhimi doonaa qiyaastii 2-2.5%. Taasi waxay la micno tahay inay weli waddo dheeri ina hortaal.” ayuu yiri Wasiirku.
Sida laga soo xigtey Wasiirka, tillaabooyinkani waxay biirin karaan guryaha gaarka loo leeyahay iyo shirkadaha ku dhawaad € 10.8 bilyan oo Euro ($ 10.7 bilyan oo Doollar) labada sano ee soo socota.
Hadalsame Media