(Stockholm) 25 Agoosto 2022 – Ra’iisul Wasaaraha Sweden ee Magdalena Andersson (s) ayaa sheegtay inaysan rabin wax ay ku sheegtay “Magaalo Soomaali” ama “Somalitown” ama meelaha kale ee takooran ee Sweden.
Sigrid Vale ayaa bilowday dood ku saabsan hadalka RW Sweden iyadoo tiri. Haddii aysan rabin Somalitown, maxay Somalitown noogu soo rartay? Haddii ayse hadda rabto xaafado isku dhafan, waa inay iyaduna tusaale fiican noqotaa oo ay la degtaa Soomaalida.”
Waloow aysan RW Sweden ka hadlin Soomaalida oo qura misna waxaa halkaa kasii xoogaysatey dooddii cunsuriyadda ku dhisnayd ee ka dhan ahayd Soomaalida.
Mid ayaa soo qortay: ”Laga yaabee inay ka bixi kari lahayd in 5% gurigeeda ka tirsan iyo 5% mushaarkeeda ah ay Soomaalida siiso, balse marka ay boqolleeydu 95% gaarto aan dhegeysato in war kasoo baxo afkeeda beenloowga ah.”
”Waxaa roon Somalitown intii la kala firdhin lahaa aagagga Iswidhishka si ay nus ka nus u noqdaan.” ayuu ku dooday mid kale.
Mid kale ayaa ku dooday inay sidan ugu badiso. ”Ma doonayno inaan dhex degno ama ay nasoo dhex degaan. Haddii la is dhex dego waa sida qaxooti cusub oo la keenay.”
”Waxay ku fiican tahay xaafad Soomaali, xaafad Suuriyaan IWM. In la dhex galo hadda lagama gaari karo.” ayuu ku dooday qof kale.
”Soomaalida iyo Iswidishku ma rabaan inay wada noolaadaan. Carabtu ma rabaan in ay la noolaadaan iswiidhishka ama Soomaalida. Faarisiyiintu ma rabaan inay Carabta iyo Soomaalida la degaan, IWM.” ayuu mid ku dooday.
Hoos kasii aqri doodda arrintan ka taagan…
Om Maggan inte vill ha Somalitown, varför har hon då importerat Somalitown? Och om hon nu vill ha blandade områden borde hon dessutom föregå med gott exempel och bosätta sig bland somalier.
— Sigrid Vale (@SigridurVale) August 24, 2022
Hadalsame Media