(Hadalsame) 25 Agoosto 2022 – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Yemen ayaa sheegay in Ciidamada loo yaqaan Guutada Qalaad ee Faransiiska (Légion étrangère), oo ah ciidan millateri ah oo ka kooban muwaadiniin ajnabi ah, ay gaareen gobolka saboolka ah ee koonfurta dalkaasi ee Shabwah si ay u xaqiijiyaan gacan ku haynta ceel gaas ah oo halkaas ku yaal.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, Abu Bakar al-Qirbi wuxuu ku sheegay inuu jiro diyaargarow loo samaynayo sidii gaaska looga dhoofin lahaa xarunta Balhaf … xilli uu cirka galay sicirka gaasku si loo yareeyo ku tiirsanaanta Gaaska Ruushka oo ay Galbeedku doonayaan inay ka maarmaan kaddib weerarka uu ku qaaday Ukraine.
Waxa uu sidoo kale soo jeediyey in tillaabada Faransiisku “ay noqon karto sababta keentay isku dhacyadii dhowaan ka dhacay Shabwah,” isagoo xusay in imaatinka ciidamada Faransiiska ee aaggaasi uu ku fooggan yahay wax ay ku sheegeen “ilaalinta xarunta gaaska.”
Tadawurkan cusub ayaa yimid kaddib markii bishii Luulyo, ay Paris iyo Abu Dhabi ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi dhanka tamarta ah oo loogu talagalay wax soo saar wadajir ah oo dhanka gaaska dabiiciga ah (LNG).
Sida ay sheegayaan wararka la helayey ilaa horraantii sanadkan, iskaashiga tamarta ee labada waddan ayaa ujeeddadiisa waxaa ka mid ah sidii loo hubin lahaa in gacanta lagu dhigo gaaska Yemen ee xarunta Balhaf, oo ay maamusho shirkadda caalamiga ah ee saliidda iyo gaaska Faransiiska, TotalEnergies SE.
Baarlamaanka Xukuumadda Badbaadinta Qaranka ee fadhigeedu yahay Sanca ayaa ka digey wax ay ku sheegeen dhaq-dhaqaaqyadan shakiga leh ee ciidamada Maraykanka iyo kuwa Faransiiska, oo ah labada dal ee ugu waawayn ee Sucuudiga ku taageera dagaalka uu Yemen ku qaaday, ay ka wadaan goobaha la haysto ee koonfurta Yemen.
Guutada Shisheeye ee Faransiisku waa koox ka tirsan Ciidanka Faransiiska oo leh talis gaar ah iyagoo ka kooban dhowr takhasusyo: ciidamada lugta, fardoolayda, injineerrada, ciidamada cirka.
Waxaa la abuuray 1831 si loogu oggolaado muwaadiniinta ajnabiga ah inay kusoo biiraan Ciidanka Faransiiska iyagoo dabcan qabanaya howlo ku taxaluqa danaha dalka Faransiiska, sidaa darteed, farsamo ahaan waa ciidan calooshood u shaqaystayaal ah balse ku howlgelaya amarka iyo hagidda Faranjiga, waxayna asal siteen magacii Ciidamada Afrika (Armée d’Afrique) ee u dagaallami addoonsigii Faransiiska.
Dhaqankan ayaa sidoo kale leh bareerihii gumaysiga ee ahaa in inta dal kale oo xor ah la qabsado kaddibna hantidiisa la bililiqaysto iyadoo sidan oo kale loo dhacay shidaalka dalalka Ciraaq, Suuriya, Libya iwm.
Mashruucan cusub ee inta dalka la dumiyo calooshiisa la faganayo ee nahbiga iyo bililiqada lala bareerayo ku dhisan dalalka laga hirgeliyey ee ay ka socoto balse aan lagu baraarugsanayn waxaa ka mid ah dalka Somalia oo kalluunkiisa iyo aaya ka talintiisaba aan Soomaalida wax badan laga waydiinin.
Hadalsame Media