(Hadalsame) 25 Agoosto 2022 – Gabar Selam Mhare ku adeegsata Twitter-ka ayaa dhaliil culus u jeedisey Wasiir Dibadeedka Itoobiya iyadoo sido kale eed culus dusha u saartay dalka Somalia.
”Demeke Mekonnen (Ku xigeenka ruuxiga ah ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya) ayaa sheegaya inuu diyaar u yahay inuu difaaco midnimada dhuleed & madax banaanida Itoobiya,” ayay ku bilowday qoraal jees jees ah.
”Waa isla ninkii ku casuumay ciidamada Eritereeya & kuwa Soomaaliya inay dilaan, kufsadaan, oo burburiyaan #Tigraay. Ka warran haddii aad marka hore u sheegto Eritrea inay ka baxdo Itoobiya?” ayay raacisay.
Arrintan ayaa mar kale soo celinaysa dooddii ku saabsanayd sheegashada in Ciidamo Somalia ka yimid ay ka dagaallameen Gobolka Tigraay ee woqooyiga Itoobiya, waloow taa ilaa haatan la caddayn la’yahay.
Demeke Mekonnen Hassen waa siyaasi u dhashay dalka Itoobiya, waana Raysal Wasaare Xigeenka Itoobiya, sidoo kalena waa Wasiirka Arrimaha Dibedda, iyo Madaxweyne ku Xigeenka Xisbiga Barwaaqada.
Hadalsame Media