Xaliimo Yarey oo ka dhabaysay arrin uu siyaasi hadda kahor ku xifaaleeyey (Daawo)

0

(Camaan) 24 Agoosto 2022 – Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Madaxabannaan ee DF Soomaaliya, Xaliima Yarey ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Guud ee Ururka Gudddiyada Doorashooyinka dalalka Carabta, shirwayne ka dhacay magaalada Cammaan ee dalka Urdun.

Xaliima Yarey ayaa xilkan qabanaysa jeer aysan weli dalkeeda ka qaban doorasho qof iyo cod ah, kaddib markii la diidey jadwalkii iyo qorshihii ay dejisey.

Yeelkeede, Xaliima Yarey ayaa samaysay wax u eg arrin uu hadda kahor kajan ahaan ugu soo jeediyey MW hore ee Maamulka Puntland, Cabdiweli Gaas, kaasoo markaa dhaliilayey macquulnimada doorasho qof iyo cod ah.

“Xaliimo yarey haddaad waydiisaan Sucuudi Carabiya toddobaadka soo socda doorasho maka qaban kartaa? Haa ayay ku oranaysaa.” – ayuu xilligaa ku dooday Cabdiweli Gaas oo duray guddoomiyahaha guddiga Doorashooyinka Soomaaliya.”

Wuxuu warkiisu ku beegnaa Maajo 2020-kii xilli iyada Xaliima ah lagu haystey inay arrimihii doorashada hoos gaysey MW hore ee Farmaajo.

Hadalsame Media