(Hadalsame) 24 Agoosto 2022 – Liz Truss ayaa waxay dareensan tahay inay “diyaar u tahay” inay adeegsato hubka nukliyeerka 3-da meelood ee laga gano ee Trident, haweenaydan oo haatan ku horreeysa hoggaanka Xisbiga Muxaafidka ah ee UK sida Talaadadii looga dhawaaqay Birmingham, UK, ayaa sheegtay in qaadashada go’aannada noocan oo kale ihi ay yihiin “waajib muhiim ah oo saaran Ra’iisul Wasaaraha.”
Xoghayaha arrimaha Dibdedu ma aysan faahfaahin dalka laga yaabo in UK ay u isticmaasho hubka nukliyeerka ah. Waxay se soo bandhigtay hal-ku-dhegyo badan oo dagaal doon ah intii ay ku jirtey ololaha, kuwaasoo ay ugu horrayn ku bartilmaameedsanaysey Ruushka, waxayna sheegtay inay aad u xoojinayso qadiyadda Ukraine.
Truss ayaa sidoo kale ballanqaaday inay kor u qaadi doonto miisaaniyadda millateriga 3% marka la eego GDP-ga guud ee UK dhamaadka tobanka sano ee soo socda.
Waxaa yaab leh in labada musharrax ee haatan u horreeya Xisbiga Torry-gu ay Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ku eedeeyeen xaaladda xun ee dhaqaalaha Ingiriiska, kaas oo ay ragaadiyeen sicir-barar aad u sarreeya, qiimaha gaaska oo sarreeya, iyo qiimaha maciishadda oo sii kordhaysa oo aan la awoodi karin, taas oo si wayn loogu arko inay ka dhalatay xayiraadda halka dhinac ah ee ay soo rogeen London iyo xulafadeedu.
Truss iyo Sunak ayaa sidoo kale ka hadlay ka qaybgalka qorshaysan ee Putin ee shirka G20 ee soo socda ee ka dhacaya Indonesia, in kasta oo Sunak uu doonayo in gebi ahaanba laga xannibo shirka, Truss waxay sheegtay inay doorbidayso inay shakhsi ahaan Putin ugu wajahdo shirka.
Laga bilaabo Talaadadii shalay, Truss waxay 26 dhibcood ka horreysaa ninka ay xafiiltamaan iyo Chancellorkii hore ee Maaliyadda Rishi Sunak, sida uu qabo warqaadka Politico.
Qofkii ku guulaysta wuxuu bedeli doonaa Boris Johnson oo ah Ra’iisul Wasaaraha tegaya.
Hadalsame Media