(Hadalsame) 24 Juun 2022 – Nancy Pelosi (D-California) saygeeda ayaa ka badbaadey xabsi dheeri kaddib markii uu qirtay dembiga ah inuu gaari kexeeyey xilli uu sakhraansan yahay dhacdo sababtay in laba baabuur isku dhacaan darawalka kalena uu dhaawacmo.
Paul Pelosi oo ka mid ah dadka hodanka ah ee ku dhaqan Napa, California ayaa Talaadadii lagu amray, 5 maalmood oo xabsi ah iyo saddex sano oo xaalkiisa la eegayo.
Si kastaba ha noqotee, Pelosi wuxuu xabsiga ku jiray laba maalmood markii la xirayey, bishii Maajo, waxaana la siiyey “anshax marin” laba maalmood oo kale ah.
Haatan se. Garsooraha Maxkamadda Sare ee Ismaamulka Napa, Joseph Solga, ayaa u oggolaaday eedaysanahan inuu qabto siddeed saacadood oo adeeg bulsho ah halkii uu xabsi ku qaadan lahaa muddada u hartay.
Xukunku wuxuu ka yimid dhacdo ku beegnayd habeenimadii Maajo 28, markaasoo Pelosi la sheegay inuu gaarigiisa qaaliga ah ee Porsche Carrera 2021 uu geliyey khadkii dariiqa ee gaari ah Jeep Sports 2014.
Hadalsame Media