Kooxda Al Shabaab oo markii ugu horreeysey muujisay mowqifkeeda ku aaddan magacaabista Roobow

0

(Hadalsame) 24 Agoosto 2022 – Hoggaamiye ku-xigeenkii hore iyo afhayeenkii Al-Shabaab Mukhtaar Roobow ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Diinta.

Tillaabadan ayaa si aad loogu qaybsamay iyadoo ay dad badani qabaan mid diraysa ishaaro khaldan maadaama aanu ninkani marna bixin raalligelin buuxda ama muujin inuu si buuxda uga haran ra’gii xagjirka ahaa ee uu aaminsanaa, balse dad kale ayaa iyana qaba inay keeni karto ama gacan ka gaysan karto in kooxda Shabaab sidaa looga guulaysto ama lagu kala jebiyo.

Yeelkeede, Al-Shabaab ayaa rumaysan in go’aanka uu hoggaamiye ku xigeenkoodii hore ku aqbalay xilka Dowladda uu yahay dambi aad u fool xun, oo mudan ciqaabta ugu adag.

Cod 10 daqiiqo ah oo laga soo duubay Afhayeenka Kooxda, Cali Dheere, ayaa laga maqlay isagoo dhaya “Roobow waa Murtad, Dhiigiisa oo la daadiyaa way bannaan tahay”.

Madaxwayne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna qaba in magacaabistiisa iyo howlgallada millateri ee la cusbooneysiiyey ay wiiqi doonaan Al-Shabaab, kaddibna ay Khasab ku aqbali doonaan in ay wada hadal galaan ama laga wada adkaado.

Hadalsame Media