(Hadalsame) 24 Agoosto 2022 – Waddanka Somalia ayaa tan iyo xornimadii 1960-kii aan marna noqon dal isku filan dhaqaale ahaan.
Somalia ayaa sidaa darteed ka mid ah dalalka ku nool gacan hoorsiga caalamiga ah oo nasiib xumo ay shacab iyo siyaasiba aqbalsan yihiin in dunida la dawarsado xitaa haddii mararka qaar lagu been abuurto ama loo keeno agab aan baahi loo qabin oo ay xujooyin daba socdaan.
Haatan, Hay’adda Gargaarka Caalamiga ah ee USAID ayaa soo saartay liiska dalalka caalamka ee ay kaalmada siisay sanadkii tegey ee 2021.
Waxaa dalalkaa ka mid ah dalkeenna Somalia oo safka meel dhexe ka taagan waxaana lagu sheegtay adduun dhan 466m oo Doollar.
Lacagahan ay sanad walba sheegaan dalal kala duwan oo reer Galbeed u baahan ayaa la is waydiiyaa cidda guddoonta iyo halka lagu bixiyo?
U.S. Govt Aid to selected Countries, in 2021:
🇪🇹Ethiopia: $1,124m
🇯🇴Jordan: $1,027m
🇸🇸South Sudan: $819m
🇾🇪Yemen: $813m
🇨🇩Congo: $811m
🇳🇬Nigeria: $797m
🇸🇾Syria: $773m
🇸🇩Sudan: $475m
🇸🇴Somalia: $466m
🇰🇪Kenya: $451m
🇿🇦South Africa: $447m
🇺🇬Uganda: $445m
🇨🇴Colombia: $423m(USAID)
— World Index (@theworldindex) August 24, 2022
Hadalsame Media