(Hadalsame) 24 Agoosto 2022 – Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Cirka Giriiga ayaa raadaarka ku xirtey diyaaradaha F-16-ka ee Turkiga oo xilligaa gelbinayey diyaaradaha wax duqeeya ee Maraykanka ee B-52 qorshe qayb ka ahaa howlgalka NATO.
Diyaaradaha F-16 ee Turkiga oo ka tirsan Taliska Raxanta 132-aad ee Hubka iyo Taatikada, oo ka tirsan Saldhigga 3-aad ee wayn ee Taliska Ciiddanka Cirka Turkiga, ayaa galbiyey Diyaaradaha Maraykanka ee B-52, taasoo qayb ka ahayd Hawlgal ay samaynaysey NATO.
Ha yeeshee, intii lagu guda jirey howlgalka oo laga sameeyey hawada Slovakia si loo ilaaliyo garabka bari ee hawada NATO, ayaa diyaaradaha F-16-ka Turkiga waxaa loo xilsaaray ilaalinta dayuuradaha B-52-yada Maraykanka oo la ciirciirarey gantaalaha AIM-120 AMRAAM iyo kuwa cir-ka-cirka ah ee AIM-9 Sidewinder.
Si kastaba ha ahaatee, inta lagu guda jirey howlgalka ayaa la sheegay in diyaaradaha dagaalka ee la Ciidanka Cirka ee Giriiggu raadaarka dul saarteen dayuuradaha Turkiga ee F-16-yada xilli ay ku jiraan waajibaadka NATO.
Raadaar ku dhegsiga (radar lock) waa qaab la adeegsado marka ay dayuuraddu si hordhac ah diiradda ama shiishka u saarayso bartilmaameed kale oo ay doonayso inay beegsato ama u digto, iyadoo raadaarka ku raadinaysa.
Sida xogta lagu helayo NATO ayaa jawaab deg deg ah arrintan ka bixisay, waxaana diyaaradihii dagaalka ee Giriigga laga saaray howlgalkii ka socdey gobolkaasi, kaddib markii ay ashtako kasoo gudbisey Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga oo dhacdadan uga warbixisay mas’uuliyiinta NATO, iyo u qaybsanaha arrimaha ciidamada ee Safaaradda Giriigga ee Ankara.
Giriigga ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in afar ka mid ah diyaaradaha dagaalka Giriigga oo iyaguna ahaa isla kuwa Maraykan-sameega ah ee F-16 ay qaadeen tillaabo digtooni ah oo ay Athens ay ku wargelisey NATO iyo masuuliyiinta Maraykanka inaan lasii ogaysiin arrintan oo ay qabeen xog ah in dayuuradaha B-52-ga ah aanay cidina gelbin doonin.
Giriigga ayaa sidoo kale ku eedeeyey Turkiga 78 xadgudub oo uu ku sameeyey hawada Giriigga iyaga oo soo geliyey 23 diyaaradood, oo 15 ka mid ihi ay hubaysnaayeen, sida ay ku doodayaan.
Ciidamada Cirka ee Giriigga iyo Turkiga oo si joogta ah iskulua dhaca gobolka Aegean Sea, oo ay hawadiisa isku haystaan 3 jeerna ay dagaal ku sigteen nus-qarnigii u dambeeyey, balse dhacdadani waa mid ka duwan inta kale waana mid yaab leh qaabka uu Giriiggu u bartilmaameedsaday diyaaradaha F-16 ee Turkiga oo ku jira howlgal NATO.
Hadalsame Media