ISKA JIR! Arrin ay Soomaalidu qabatimeen oo marka dambe dabar go’ ummadeed u horseedi karta (Waa maxay?)

0

(Hadalsame) 24 Agoosto 2022 – Waxaa jira dad badan oo ku kala nool Qaaradaha Afrika, Asia, Latin Ameerika iyo weliba cirifka ugu qaboow caalamka, qaar baa dhex deggan bartamaha barafka, qaar baa buuro qalalan dushood saaran, qaar kale saxaraha Carbeed ayay bartanka ka deggan yihiin oo ceel biyoodna uusan ka ag dhoweyn oo biyaha ka soo aroorta dhul aad u fog, waxayna dhex fadhiyaan saxaraha xilliyada kuleylaha daran iyo qaboobahaba.

Dadkaasi mararka qaar waxaa iyagoo qoysas ah ay dhex deggan yihiin meel saxare ah oo aan hal geed lahayn, cad ceedduna mararka qaar ka sare mareyso 45°C.

Wax walba oo dhaca dadkaasu meelaha ay deggan yihiin kama nuuxsadaan haddii uusan roob u di’in iyo hadduu u da’aba waa iskugu mid, way deggan yihiin oo saxarahoodu roobba kuma dhibco, haddii ay dabeyl xooggani timaaddo way is dabarayaan oo horey ayay ugu soo koreen cimiladaasi, sidoo kale haddii uu qaboow soo dhacana way ka gaashaamanayaan.

Dadkaasi haddii lacalla ay doonaan inay meel dad ku nool yahay u guuraan waxay xirtaan alaabtooda, waxayna ku guuraan Awrta iyo Dameeraha ay haystaan, halkii ay doonaan ayayna rarkooda ku furaan.

Weligaa ma arkaysid mana dhici karto in dadkaasi ay hal maalin u qayla dhaamiyaan hay’adaha iyo dalalka lagu sheego kuwa deeqda bixiya?, iska daa inay yiraahdaan hay’aduhu ha na soo gargaaraane waxaa ka horreysa horta inay garanayaan oo ay weligood maqleen hay’adaha deeqda bixiya? Qaarkood wax kale iska daaye xitaa ma garanayaan hay’adaha gargaarka ee dowladahoodu ay maamulaan waa hadday dhihi lahaayeen xitaa dowladdayadu ha na soo gaarto.

Waxaad Kaamamka ku yaalla Soomaaliya ku arkaysaa qoysas is wata Rag, Dumar iyo Carruur kaamamka qaxootiga fadhiya oo sugaya mucaawinadii! Maxaa diidaya in uu odayga ama Aabaha iyo wixii carruur ah ee roon oo xoog leh ay intay ALLE talo saartaan ay magaallooyinka waaweyn ee ay xeryaha qaxootiga kaga jiraan shaqo ka raadsadaan nolol maalmeedkoodana ka soo dhacsadaan, noloshoodana beddelaan?.

Aan u soo dego dulucda maxay tahay sababta dadkeenna Soomaaliyeed haddii roob la helo, haddaan la helin, haddii webiyadu fatahaan iyo hadday webiyadu guraanba ay u caadeysteen oraahda ah “Waxaan caalamka iyo hay’adaha gargaarka ka codsanaynaa….”

W; Q: Yaxya Yussuf

Hadalsame Media