(Moscow) 23 Agoosto 2022 – Moscow ayaa dalbatay in Israa’iil ay si deg deg ah u joojiso weerarrada ka dhanka ah Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya ayna ixtiraamto madaxbannaanida dal iyo xornimada dhuleed ee dalkaasi, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka, Sergey Lavrov.
Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu la qabtay dhiggiisa Suuriya Talaadadan, Lavrov wuxuu sheegay in Moscow “ay si adag u cambaaraynayso” “dhaqanka khatarta ah ee Israel ee ah inay weerarto dhulka Suuriya.”
Diblamaasigan sare ee Moscow ayaa soo qaatay dhacdooyinkii “nasiib darrada ahaa” ee weerarka lagu qaaday Garoonka Caalamiga ah ee Dimishiq bishii Juun iyo weerarradii ugu dambeeyey ee Dimishiq iyo Tartus.
“Waxaan dalbanaynaa in Israa’iil ay ixtiraamto go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, iyo, tan ugu mudan oo ah, in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya.” ayuu ku qayliyey Lavrov kaddib wadahadal laba geesood ah oo uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda Suuriya Faysal Mekdad oo tegey Moscow.
Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii Jeneraalka ugu sarreeya Israa’iil uu shaaca ka qaaday todobaadkii hore inay “dal saddexaad” weerar la beegsadeen intii lagu guda jirey howlgalkii ugu dambeeyey ee Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ay ku qaadeen Falastiiniyiinta Gaza.
Hadalsame Media