3 doodood oo ay midi khuseeyso Guddoonka Baarlamanka oo ka dhalatay kulan ay leeyihiin Golaha Wasiirradu + Sawirro

0

(Muqdisho) 23 Agoosto 2022 – Waxaa Muqdisho ka furmay wax lagu sheegay Kulan-wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaasoo ay ku dhan tahay Xukuumadda RW Xamse Barre.

”Kulanka oo soconaya muddo laba maalin ah ayaa lagu lafa-gurayaa howllaha mudnaanta u leh xukuumadda Dan-Qaran iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee Dowladda.” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay XRW iyadoo aan marna afka lagu dhufan wax ku saabsan ammaanka oo haatan ah midka ugu muhiimsan ee ay ku fashilmeen nidaamyada dalka soo maray.

Yeelkeede, waxaa la is waydiinayaa su’aalo muhim ah oo saluug ka qaba baahida keenaysa in kulan noocan oo kale ah lagu bixiyo waqti, tamar iyo hanti iyadoo ay jirto:

1 – In Khamiis kasta ay fariistaan Golaha Wasiirradu oo ay halkaa uga hadli karaan wixii jira, iyadoo kaa laftiisu uusan daruuri mar kasta ahayn.

2 – In qorshe-howleedka Wasaarad kasta Madaxa Xukuumadda iyo ciddii ay khuseeyso waraaqo ama dokumentiyo loogu diri karo halkii halkan la dhoobnaan lahaa 2 maalmood.

3 – Guddoonka Baarlamanka ee Aadan Madoobe ayaa halkaa joogey, isagu ma wuxuu ka tirsan yahay Golaha Wasiirrada?

Hadalsame Media