Ururro caalami ah oo TOOSH ku ifiyey arrin uu Maraykanku ka wado dalka Somalia (Laba dhaliilood)

0

(Washington DC) 22 Agoosto 2022 – Kormeerayaasha colaadaha ayaa dareenka dadka kusoo jeediyey duqeymo isdaba joog ah oo uu Maraykanku ka geysanayo Soomaaliya bilihii la soo dhaafay, weerarradaas oo dareen aad u kooban ka helay warbaahinta shirkadaha Maraykanka inkastoo la sheegay in lagu diley in ka badan 20 qof.

Kelley Beaucar ayaa soo qortay: “Haddii aadan ka warqabin inaan duqaynayno Soomaaliya, ha dareemin xumaan, tani waa sheeko aan si buuxda usoo gelin raadaarka wararka, taasoo si cajiib ah saaka uga maqnayd ciwaannada wargaysyada waawayn oo dhan,” ayay qortay Kelley Beaucar Vlahos, oo ah la-taliye sare oo ka tirsan Machadka Quincy ee Mas’uuliyadda Awoodda Dawladnimo.

AFRICOM ayaa sheegtay in qiimayntii ugu horreeysey ay ku ogaatay natiijada weerarka, kaasoo ka dhacay Beledwayne, ayna ku dileen 13 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, iyadoo aysan jirin dad rayid ah oo waxyeello kasoo gaartey, sida ay sheegeen.

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay inay afar ka tirsan Al-Shabaab ku dileen saddex duqayn oo kala duwan oo ay ka fuliyeen meel u dhow Beledwayne 9-kii Agoosto, kaasoo ay isla fuliyeen Maraykanka iyo Soomaaliya kana dhacay meel ku dhow Labi Kuus 17-kii Luulyo, iyo 5 ka tirsan maleeshiyada oo duqayn kale lagu laayey 3-dii Juun duleedka Beer Xaano.

Dhammaan duqaymahan ayaa dhacay tan iyo markii uu Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden uu ansixiyey in boqollaal ka mid ah ciidamada gaarka ah mar kale loo diro Somalia bishii Maajo ee sanadkan islamarkii la doortay XSHM, taasoo meesha ka saaraysa hoos u dhigistii la hirgeliyey xilligii nidaamkii hore ee Donald Trump.

Duqaymahan ayaa mararka qaar rayidka dhibaato kasoo gaartaa kaasoo ay sidoo kale beegsadaan kooxaha argagixisada ah, waxaa sidoo kale jirta in Maraykanku aanu ogolayn inuu si buuxda u taageero Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia si ay iyagu ammaanka gacanta ugu wada dhigaan.

Hadalsame Media