Shukaansi gacan ka gaystey wasiirkii la khaarajiyey ee Maamulka KG Somalia (Ninka howsha abaabuley oo uu abaal ku lahaa ninka la diley & Sawirkiisa)

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2022 – Wasiirkii Cadaaladda ee KG Somalia oo 29-kii bishii Luulyo , 2022 lagu khaarajiyey magaalada Baydhabo ayuu war cusubi kasoo baxay.

Wasiir Sh. Xasan Ibrahim Lugbuur (AUN) weerarkii lagu dilay waxaa fuliyey nin ay qaraabo ahaayeen, dhowr marna uu xabsi kasii daayey.

Ninkaa iyo walaalkii oo weerarka abaabuley , waxaa lagu riday xukun dil ah. Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta shaacisay xukunka labada nin ee walaalaha ah oo lagu helay weerarka lagu diley wasiir Lugbuur iyo wiil uu dhalay.

Labada nin ee dilka lagu xukumay;

1. Maxamed Meeris Ibraahim – oo lagu helay inuu weerarka abaabulay ,waa maqane – ka mid ahaa raggii ka baxsaday xabsiga Boosaaso xilligii ay weerarreen Al-Shabaab.

2. Ibraahim Meeris Ibraahim oo miinada ku aasay waddada uu marayay Wasiirka geeriyooday iyo wiil uu dhalay oo ku sugnaa halka ay maxkamadda go’aanka ku gaartay ayaa lagu helay inuu weerarka fuliyey isagoo lacag aad u yar oo 200 oo Doollar ah ku qaatay falkan khaarajinta qorshaysan ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale 15 sanno oo xabsi ah ku ridday haweenay kale Falastiin Aadan Shuceyb.

Falastiin oo saacadihii ugu dambeeyey uu walxaha qarxa usoo dhiibey qof wejiga qarsanaya oo telefoonka dansadey ayaa la sheegay inay shukaansi wadaag la ahayd mid ka mid ah labada wiil ee walaalaha ah.

Waxaa xukunka warbaahinta u akhriyey guddoomiyaha maxkamadda Xasan Cali Nuur Shuute.

Sawirka hoose: Ninka weerarka fuliyay Ibraahim Meeris.

Hadalsame Media