RW Jarmanka oo ”kashifay” hadal uu si gaar ah ugu sheegay MW Putin (Ukraine kaddib dal kale oo uu doonayo inuu Ruushka ku daro)

0

(Berlin) 22 Agoosto 2022 – RW Jarmanka ee Olaf Scholz ayaa u sheegay Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin in Ukraine laga hor istaagi lahaa inay ku biirto NATO muddo 30 sano ah, si ay Moscow ugu xaqiijiyaan niyad wanaagga ururka millateriga NATO.

Dhammaadkii usbuucan, hoggaamiyaha Jarmanku wuxuu daaha ka qaaday qaar ka mid ah faahfaahinta wadahadalladii uu la yeeshay Putin kahor inta uusan Ruushku bilaabin wax uu ugu yeerey ”hawlgalka millateri ee Ukraine”, isagoo intaa ku daray inuu hadda aaminsan yahay in Ruushku uu doonayey “inuu qabsado waddanka ay deriska yihiin” markii horeba.

“NATO marnaba khatar kuma ahayn Ruushka,” Scholz ayaa sheegay inuu sidaa u sheegay Putin. Chancellor-ku ma uusan caddayn xilliga, inkastoo Scholz uu Putin kula kulmay Moscow bartamihii bishii Febraayo in yar kahor duullaanka.

Isagoo la hadlayey saxafiyiinta dhammaadka usbuucan inta lagu guda jirey ‘maalinta albaabada furan’ ee ka dhacda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Scholz wuxuu sidoo kale beeniyey in isbahaysiga millaterigu ay iska indhatireen danaha amniga Ruushka.

Markii ay labada hoggaamiye ka hadleen rajada laga qabo in Ukraine ay ku biirto NATO, Scholz waxa uu Putin u xaqiijiyey in “aysan dhici doonin 30-ka sano ee soo socda,” ayuu yiri Chancellor-ku.

Scholz waxa kale oo uu sheegay in aanu meesha ka saari doonin wadahadallo uu mustaqbala la galo Ruushka balse waxa uu cod adag kula eedeeyay Putin in uu khilaafka u bilaabay sababo “gebi ahaanba aan macquul ahayn”.

”Kani waa dagaal uu Putin, Ruushku, bilaabay, … si cadna ulajeedku ahaa in uu ku qabsado dalka ay jaarka yihiin,” ayuu u sheegay suxufiyiinta, isaga oo intaa ku daray in uu rumaysan yahay “in taasi ahayd hadafkii asalka ahaa” ee Moscow ay ka lahayd ololaheeda millateri.

Chancellor-ka ayaa sidoo kale dib u gocday sida Putin uu “ugu sharraxay” in Ukraine iyo Belarus aysan noqon karin “dowlado gooni ah” oo madaxbannaan.

Waxa kale oo uu meesha ka saaray fikradda ah in dib loo sawiro khadad amni ee qaaradda Yurub.

“Putin dhab ahaantii waxa uu watey fikradda ah in uu qalin nooca tirtiraha leh inta qaato dul saaro qaaradda Yurub oo idil oo uu deeto yiraahdo: ‘Taas anigaa intaana adinka leh’,” ayuu yiri Scholz, isaga oo raaciyey “sidaas uma shaqayso siyaasaddu.”

Hadalsame Media