(Washington, DC) 22 Agoosto 22 – Maamulka Maraykanka ayaa billaabi doona wada xaajoodyo lagu sii daynayo balaayiin lacag ah oo ay leedahay Afgaanistaan, kuwaas oo la xayiray kaddib markii Taliban ay dalkaa la wareegeen bishii Agoosto ee la soo dhaafay, Reuters ayaa sidaas sheegtay maanta, iyadoo soo xiganaysa ilo wareedyo sugan.
Wadahadalladan ayaa ah kuwo lagu doonayo in lagu xasiliyo dhaqaalaha Afgaanistaan ee burburay, iyadoo Qaramada Midoobey ay ka digtey in waddanku uu wajahayo “gaajo daran” jiilaalkan.
Way sii socon doonaan wada hadalladu inkasta oo ay Washington ka walaacsan tahay in hoggaamiyaha al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri – oo gacan ka gaystey qorshaynta weerarradii 9/11 – uu ku sugnaa Kabul kahor inta aan lagu dilin duqayn diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku horaantii bishan.
Washinton ayaa lagu soo warramayaa inay rabto in hanti balaayiin Doollar ah oo uu leeyahay Bangiga Dhexe ee Afgaanistaan in lagu xawilo sanduuq Swiss ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters.
Kharashka ayaa lagu bixin doonaa iyadoo la kaashanayo guddi caalami ah si oo toos weli looma siinayo kooxda Taliban, oo qaar badan oo ka mid ah saraakiishooda sare ay saaran tahay cunaqabataynta Maraykanka iyo Qaramada Midoobey.
Sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka ee Reuters, saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in ay doonayaan in ay wadahadal la galaan kooxda xagjirka ah bishan Agoosto, inkastoo ay ka xun yihiin sida uu wadahadalku u socdo oo gaabis ah, sida ay ku doodeen.
Mid ka mid ah saraakiisha Maraykanka ayaa ku eedeeyey in gaabiska socda ay sabab u tahay Taliban iyo Bangiga Dhexe ee Afgaanistaan oo aan si dhaqso ah howsha u wadin.
Hadalsame Media