(Hadalsame) 22 Agoosto 2022 – Lacagta Euro ee EU ayaa hoos uga dhacday sinnaanta Doollarka Maraykanka markii labaad muddo bil gudaheed ah Isniintan iyadoo maalgeliyayaasha ay ka baqayaan hoos u dhaca dhaqaale oo ka dhaca aagga Euro-da.
Euro ayaa hoos u dhacday ilaa $0.9935, taasoo ab mid ka mid ah heerarkii ugu hooseeyey muddo 20 sano ah kaddib markii ay kor u kacday ilaa $1.03 horaantii bishan.
Euro ayaa marka Doollarka lagy sarrifo ahayd ku dhowaad $1.15 oo Doollar bishii Febraayo in yar kahor bilowgii Dagaalka Ukraine.
“Dhammaadka xagaaga waxaa euro-da dib ugusoo noqday cadaadiskii, qayb ahaanna sababtu waxay tahay in dhaqaalaha Yurub laga dayrinayo,” sida uu sheegay istaraatijiiste dhanka sarrifka ah oo ka tirsan Societe Generale SA, Kit Juckes oo ay qoraalkiisa aragtay Bloomberg.
Lacagta Euro ayaa beryahan dambe ku jirtay hoos u dhac joogto ah iyadoo ay xoogaysatey cabsida laga qabo hoos u dhac dhaqaale oo ku habsada aagga Euro iyo hubanti la’aanta ku saabsan saadka tamarta Ruushka xilli jiilaalkii qaboobaa soo socdo.
Bishii Luulyo, Euro-du waxa ay la sinnaatay Doollarka markii ugu horreeysey tan iyo 2002-kii.
Sida laga soo xigtey Morgan Stanley, Euro-du waxay u gudbi kartaa $ 0.97 rubucan, taasoo ah heer aan la arag tan iyo horraantii 2000-meeyadii.
Dhanka kale, Nomura International ayaa saadaalisay inay Euro hoos ugu dhici doonto $0.975 dhamaadka Sebtembar, maadaama cadaadiska saadka tamartu uu kor u qaadayo khatarta korontada oo meelo badan ka go’da waxayna u badan tahay inay u baahato saad tamareed oo la keeno Eurozone.
Hadalsame Media