(Hadalsame) 22 Agoosto 2022 – Ciidamada ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn shalay soo geba-gebeeyey haysashadii kooxda Al-Shabaab ee Hotel Xayaat oo ku yaalla agagaarka KM4 ee Muqdisho.
Howlgalkan oo ay iimo badani kasoo daahireen ayaa qaatay oo wax ka badan 30 saacadood.
Ha yeeshee, waxaa weli la is waydiinayaa su’aalo ku saabsan dadkii weerarka soo qaaday.
Tusaale, hay’aadka ammaanka weli lagama hayo xogo ku saabsan tirada kooxdan, sida ay isu soo diyaariyeen, qaabka ay ku galeen hoteelka, maydadkooda iyo haddii ay baxsadeen iyo in kale.
Sidoo kale waxa ka khaldamay hay’aadka amniga ee keenay inay ragga weerarka ahaa ka ilduufaan, cidda mas’uuliyaddeeda gabtay iyo sababta ay u daba dheeraatay xallinta arrintani, hab-dhaqankii dabacsanaa iyo is garab orodkii ka muuqanayey madaxda ammaanka IWM?
Su’aalahan ayaa noqday kuwa ugu waawayn ee weli aan laga jawaabin, waloow uu RW Xamsa Barre sheegay in uu xisaabtan jiri doono.
Hadalsame Media