Siyaasi si xirfadaysan farta ugu fiiqay arrin KHALDAN oo ay dadku aad uga xun yihiin (Waa maxay?)

0

(Hadalsame) 21 Agoosto 2022 – Waxaa Muqdisho ka taagan xaalad jahawareer lagu tilmaamay kaddib habacsanaantii iyo is dhinac yaacii lagu wajahey weerarkii Hotel Xayaat oo si wayn loogu fashilmay.

Hay’aadka ammaanka ayaa muujiyey inaysan war iska haynin, halka madaxda ammaanka aan qaar laba arag qaar uu Wasiirka Guduhu uu ka mid yahayna ay iska galeen shirar iyo booqashooyin maalaa yacni ah.

Waxaa xigtey in saaka Baarlamanka loo fariisiyey inay sameeyaan codayn ku salaysan xil sharafeed loo dhiibayo MW hore, iyadoo aan lasoo qaadin hal su’aal oo ku saabsan wixii khaldamay iyo cidda ku eeddan.

Haddaba, siyaasiga Yuusuf Garaad ayaa si xirfadaysan u sharraxay jahawareerka taagan isagoo ku baaqay in la abbaaro jihada ay wax ka khaldameene aan cudur fardo haya dameer laga gubin.

“Rabbi aan uga barinno naxariista Jannada, Soomaalida waalid iyo walaalba leh ee lagu dilay weerarka Hotel Xayaat, ee Muqdisho. Ehelkoodana aan Allah uga barinno in uu qalbiga u qaboojiyo,” ayuu ku bilaabay.

“Su’aalaha na hor yaalla kuwo aan ahayn haddii aan ka jawaabno, su’aalihii sidooda ayay u taagnaanayaan ilaa jawaabtooda oo sax ah aan helno.” Ayuu soo jeediyey Yuusuf Garaad.

Dad badan oo shacab ah ayaa soo jeediyey in uu Baarlamanku u yeero madaxda hay’aadka ammaanka si su’aalo loo waydiiyo, iyagoo MW Xasan Sheekh u iftiimiyey inuu sidan durba ku waayi doono taageerada shacabka oo ka filaya inuu saxo khaladaadkiisii hore kuwa kalena uusan gelin.

Hadalsame Media