(Hadalsame) 12 Agoosto 2022 – Taageerada sii socota ee Washington ee Kyiv inta lagu guda jiro Dagaalka ay Moscow ku qaadday Ukraine ayaa Maraykanka gelin karta in uu qayb ka noqdo dagaalka Ukraine, sida uu qabo Wasiir Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Ruushka, Sergey Ryabkov.
“Ma rabno xiisad dheeraad ah. Waxaanna jeclaan lahayn inaan ka fogaano xaalad, taas oo Maraykanku uu qayb ka noqdo khilaafka, laakiin illaa hadda dhinaca kama aragno wax diyaar u ah inay si dhab ah u qaataan digniinahaas,” ayuu ku dooday Ryabkov oo u warramay TV-ga Rossiya 1.
Moscow waxay diiddey sharraxaadda Washington ee ah, in hub siinta Ukraine yo gargaarka kale ay sabab u tahay xaqa ay Kyiv u leeyahay is-difaaca, ayuu tilmaamay.
“Iga raalli ahow, waa maxay nooca is-difaacideed ee ay sheegayaan haddiiba ay horay si cad uga hadleen suurtagalnimada weerarrada lagu bartilmaameedsanayo gudaha dhulka Ruushka, ee Crimea?” ayuu is waydiiyey Wasiir Xigeebka oo u muuqda mid ka il-duufsan in Ruushka laftiisu uu ku jiro gudaha Ukraine.
Sida laga soo xigtey Ryabkov, bayaannada noocan oo kale ah waxaa sameeya dhinaca Ukraine “mana ahan oo keliya mid ku dhisan taageerada indha la’aanta ee Maraykanka iyo NATO, laakiin sidoo kale dhiirigelinta dareenka noocan ah, qorshayaasha iyo fikradaha tooska uga imanaya Washington,” ayuu Ryabkov ku adkaystay.
“Ku lug lahaanshaha cad misna qotada dheer ee Ukraine marka laga hadlayo kahortagga hawlgalkeenna millateri, dhab ahaantii, dalka Maraykanku, wuxuu qarka u saaran yahay inuu isu beddelo mid qayb ka ah khilaafka.” ayuu ku celiyey, isagoo ka digey halista taa ka dhalan doonta.
Hadalsame Media