(Hadalsame) 21 Agoosto 2022 – Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeysay soo geba-gebeeyey haysashadii kooxda Al-Shabaab ee Hotelka Xayaat ee agagaarka KM4 ee Muqdisho oo qaadatay 30 saac, sida uu sheegay taliye sare oo la hadlay wakaaladda wararka AFP, kaas oo codsaday inaan la magacaabin.
Ha yeeshee, guud ahaanba wax kasta oo ku saabsan sida lagu soo galay iyo sida loo maareeyey weerarka Hotel Xayaat kaddib markii la qabsaday ayay doodo waawayni ka taagan yihiin, iyadoo ay meeshii ugu hooseeysey joogto kalsoonida lagu qabo madaxda DF iyo hay’aadka amnigu.
Hal arrin oo mudan in la dul istaago waa istaraatijiyad ay dabaqday Xukuumaddii Farmaajo oo haatan u muuqata mid sax ahayd waana in aan la adeegsan Ciidanka Alpha Group oo ah ciidan yar oo si gaar ah u tababaran oo ka amar qaata CIA-da Maraykanka islamarkaana deggan Xerada Xalane.
Muddadii uu jirey nidaamkii Farmaajo waxay DF gurmad ahaan u adeegsan jirtey Ciidamada Haramcad oo ah booliis si gaar loogu soo tababaray dalka Turkiga iyo gudaha xerada Turksom ee Muqdisho.
Ciidamada Haramcad ayaa si uu turaale iyo wax hambayni ka muuqato dad badan uga soo badbaadin jirey hoteellada iyo dhismayaasha la qabto iyagoo sidoo kalena la xaali jirey kuwa weerarka soo qaaday si ay u laayaan dadka abriyo ah oo aysan jirin wax ay ka galabsadeen.
Haddaba, markii haatan la arkay habdhaqanka Alpha Group (waxaan soo gudbinaynaa qoraal aan ka samaynay dib u eegis aan samaynay), waxaa soo baxday in nidaamkii hore uu ku saxnaa inuusan Alpha Group u dirsan gurmadka meelaha la weeraro.
FG: Ka hadli mayno guud ahaan wixii uu ku xumaa ama ku fiicnaa nidaamkaasi, kaliya qoraalkani wuxuu khuseeyaa inuu intan ku saxnaa, sida ay dad badani qabaan.
Hadalsame Media