(Hadalsame) 21 Agoosto 2022 – Qiimaha sare ee saliidda ayaa waxay u badan tahay inay sare u kaxayn doonto kobaca dhaqaalaha Sacuudi Carabiya kaasoo la sheegay inuu xitaa ka sare marayo kan Maraykanka sanadkan, sida ay sheegtay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.
Warbixin la daabacay ayay IMF waxay saadaalisay in GDP-ga Boqortooyadu uu kori doono 7.6% sanadkan 2022-ka, waana heerka ugu dhaqsaha badan ee kobaca dhaqaalaha muddo ku dhow toban sano.
Dhanka kale, Maraykanka ayaa la saadaaliyey inuu la kulmi doono sicir barar sare ilaa 2023-ka, iyadoo qiyaasaha kobaca wax soo saarka gudaha ee dhabta ihi uu yahay 2.3% oo qura, waana in ka yar kala bar heerkii sanadkii hore oo ahaa 5.7%.
Kobaca wax-soo-saarka Sacuudigu wuxuu haatan daba socdaa dhaqaale xumadii dalkaa ku dhufatay xilligii musiibada Covid 2020, markii dhaqaalihiisu hoos u dhacay 3.4%, marka la barbar dhigo hoos u dhaca 2.3% ee dhaqaalaha Maraykanka.
“Sacuudi Carabiya waxay u badan tahay inay noqoto mid ka mid ah dhaqaalayowga ugu kobaca badan adduunka sanadkan 2022, iyadoo dib u habayn ballaaran lagu sameeyey ganacsiga iyo kor u kaca qiimaha saliidda iyo soo kabashada awoodda wax soo saarka.” ayaa lagu yiri warbixinta.
Sida laga soo xigtey IMF, muuqaalka dhaqaale waxa uu ku xirnaan doonaa haddii boqortooyadu ay dakhliga dheeraadka ah ee saliidda u isticmaasho si xad ka bax ah.
Sanduuqa ayaa sidoo kale xusay in dhaqaalaha Maraykanku uu la tacaali doono tiro dhibaatooyin ah, iyadoo sicir-bararka la filayo inuu celcelis ahaan gaaro 6.6% sanadkan, isagoo hoos uga soo dhacaya heerka hadda oo ah 8.5%.
Dhanka kale, Sacuudi Carabiya ayaa la filayaa in ay sii ambaqaaddo sicir bararka hooseeya ee 2.8% celcelis ahaan sanadka oo dhan.
Hadalsame Media