(Muqdisho) 21 Agoosto 2022 – Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamanka DF Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dhaariyey madaxwaynihii 9-aad ee dalka, Maxamed Farmaajo oo noqonaya xildhibaan abadi ah, sida uu qabo Dastuurka KMG ah, waloow ay doodi ka dhalatay Baarlamanka dhaarinta kahor.
Yeelkeede, marka lagaba soo tago khiyaaliga ku jira waxan loogu yeero ‘xildhibaannimo abadi ah” maadaama madaxda hore mudnaan la siin karo tiiyoo aan loo baahan in xildhibaan laga dhigo, misna arrin ay dad badani liqi la’yihiin waa in sideedaba horta loo baahnaa kulankii maanta xilli ay caasimadda ka dhacday mashaqadii ay sida xun u maaraysay DF Somalia.
Dal kasta oo kale oo ay ka jirto dowlad si saaxi ah oo damiir ku dheehan yahay u fikiraysa, waxay dooran lahayd in dib loo dhigo shirarkan maalaa yacniga ah oo kale oo dadwaynaha qamuunyaysan ee ehelkoodii ku waayey, ku dhaawacmay ama si kale u murugaysan waqti iyo dareen la siiyo kolleey daryeel kale umaba fadhiyaane.
Sidoo kale, waxay ahayd in la iskugu yeero shirar deg deg ah oo dhanka amniga ah iyo kuwo maamul si wax la iskaga waydiiyo waxa khaldamay iyo sidii loo sixi lahaa khaladka fadeexadda ah ee dhacay.
Ha yeeshee, taasi ma dhicin oo maanta waxaa Muqdisho oo u dhaqmaysa sidii inay tahay magaalooyin isku dhex yaalla oo aan warba iska haynin ku qabsoomay kulankan oo tamarta, hantida iyo waqtiga ku baxay uu yahay in madaxwayne hore loo dhaariyo ”Xildhibaannimo Abadi ah.”
Dastuurkan baas haba lagu qoro in uu walba si otomaatig ah madaxwayne kasta iskaga noqdo ”Xildhibaanka Abadiga ah”, si loo beeqaamiyo waqtiga iyo hantida ku baxaysa in la agaasimo shir baarlamaan oo deeto halkaa lagu qabto ”dhaar” aanay cidina ku dhaqmaynin wax saamayn fulineedana aan u lahayn shacabka daallan ee ay ku dul dakaynayaan madax bilaa damiir ah.
W; Q: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media