Su’aal mar kasta soo noqnoqota oo ka dhalatay weerarka Hotel Xayaat & siyaasi HARGAYSA kasoo diray talo wax ku ool ah

0

(Hadalsame) 20 Agoosto 2022 – Siyaasi ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa talo muhim ah siiyey shacabka Muqdisho oo iyadu dalka ugu badsata dhanka weerarro arxan la’aan ah oo aan la fahmi karin dan ummadeed iyo mid diineed oo ku jirta sida in la weeraro goobo dadwayne.

Waxaa haatan weli cakiran xaaladda Hotel Xayaat oo ay shalay weerartay kooxda Al Shabaab sida ay iyadu sheegatay, waloow la is waydiinayo sida ay halkaa ku yimaadeen, taasoo ah su’aal soo noqnoqota mar kasta oo la weeraro goob aysan xitaa dadwaynuhu sahal ku mari karin? Sidoo kale, waxaan muuqan hab-raac iyo disibliin degsan oo loo wajaho weerarrada noocan ah waxaana muuqanaya khaladaad badan oo xirfadeed.

Barkhad Jaamac Batuun oo ah Xildhibaan ka tirsan Somaliland ayaa soo qoray sidatan:

Dhiiga dhayalka u qubanaya, dhimashada nafaha, dhaawaca joogtada ah iyo dhibaatada amni ee haysata shacabka Muqdisho waa masiibo iyo murugo joogto ah qof kasta oo damiir leh damqaysa, 30 sanno in Idaacaddaha iyo Telefishinadu tebiyaan wararkan hadh iyo habeen oo aan wax isbeddel ahiba imaneynin runti waa mid qof kasta damqaysa in si dhayal ah loo dilo, Haweenka, Carruurta, Culimadda, Ganacsatadda iyo Haldoorka bulshadda! Dawladdihii xukunka iskaga dambeeyeyna ay damaanad qaadi kari wayaan nolosha dadka Muqdisho illaalinteeda.

Shacabka Muqdisho iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadda waxa aan u soo jeedin lahaa in ay sida shacabka Somaliland qof waliba noqdo Askari amniga illaaliya sidoo kale waa in aad gacan buuxda dawladda ka siisaan illaalinta ammaankiina umaddeed.

Sidani maaha si aad sii eegan kartaan waa xasuuq joogto ah ee ha aqbalina in naftiina qaaliga ah ee Alle idiin hibbeeyey si dhayal ah idiin dhaafto iyo in dhiigiinana loo daadiyo maalin walba si ka baxsan bini’aadamnimada.

Tallo qaran ayaa la gudboon umadda Muqdisho, waxa aan Alle idinka baryayaa amni iyo jiritaan umaddeed. Hooyadda ooyeysa habeen walba, hagardaamooyinka haysta iyo hubka loo isticmaalayo shacabku waa shay na damqaya.

Hadalsame Media