Ruushka oo gantaalaha casriga ah ee guuxooda ka dheereeya soo dhigay qalbiga dalalka NATO (Dal ay xoog kusii dul mareen)

0

(Moscow) 20 Agoosto 2022 – Saddex diyaaradood oo Mig-31 ah oo xambaarsan gantaalaha guuxooda ka dheereeya ee Kinzhal ayaa la geeyey gobolka go’an ee Kaliningrad ee ka tirsan Ruushka, sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi.

Diyaaradaha ayaa loo bedeley garoonka diyaaradeed oo ku yaalla Chkalovsk gobolka Kaliningrad taas oo qayb ka ah “tillaabooyin istaraatiijiyadeed oo dheeri ah oo kahortag ah,” sida ay u dhigtay Wasaaraddu.

Intii lagu guda jirey duullimaadkooda, dayuuradahan Mig-31-ka ihi waxay la hadlayeen ciidamada Ruushka ee aaggaasi, iyo sidoo kale qaybta cirka ee Ciidamada Badda gaar ahaan Raxanta Badda Baltic, sida ay sheegtay WG.

Diyaaradahan ayaa la gelin doonaa heegan dagaal oo 24/7 ah iyagoo ku sugan Kaliningrad oo dhaca bartamaha dalalka NATO, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaacu.

Dalka dariska la ah Ruushka ee Finland ayaa isna sheegay in dayuuradahan Ruushku ay ku soo xadgudbeen hawadeeda dhanka Gacanka Finlad xilli ay ku sii jeedeen halka ay u socdeen. Sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee Finland, waxaa la billaabay baaritaan la xiriira dhacdadan.

Kinzhal, oo macnaheedu yahay ‘Toorreey’, waxa uu ku socon karaa xawaare dhan Mach 12 (qiyaastii 14,800kph), taasoo ka dhigan inuu 12 jeer guuxiisa ka dheereeyo. Ruushka ayaa sidoo kale haysta gantaalo kale oo guuxooda ka dheereeya sida Avangard oo laga gano qunux aasan iyo Zircon (Tsirkon) oo badda loo adeegsado.

Kaliningrad, oo xad la leh Poland iyo Lithuania, waxay kusii jeeddaa Baltic Sea, waxaana sidoo kale yaalla gantaalaha nukliyeerka qaadi kara ee Iskander.

Hadalsame Media