Arrimo aan horay loo ogayn & qaar aan lagu baraarugsanayn oo hadda soo kordhay (Afarta ugu adag?)

0

(Muqdisho) 20 Agoosto 2022 – Waxaa weli xaalad cakrinaan ah oo aan abid horay loo arag ku jira weerarka lagu qaaday Hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Waxaa soo kordhay su’aalo ay qaarkood haatan kasoo baxayaan goobta dagaalka qaarna si guud uga soo maaxanayaan dadwaynaha.

1 – Maxaa keenay in la beegsado Hotel Xayaat, waayo cid ka tirsan DF kuma jirin oo waxaa deganaa dad shacab ah qaar kale oo shacab ihina waa ku shirayeen?

2 – Maxaa keenay inay 24 saac ka badan weli sii socoto arrintani, haddii se ay dhowr qof ahaayeen sidee ku heleen rasaasta ay ilaa haatan ku dagaallamayaan?

3 – Waxaa soo baxaysa sheeko ay dad badani hadal hayaan oo ku saabsan in ragga meesha ka dagaallamayaa aanay shalay oo qura imane ay meesha sii deganaayeen oo hub iyo agab kale kusii diyaarsanayeen. Balse, sheekadaasi waa yara daciif oo ma laha sal adag, haddiise ay sidaa tahay waxaa soo noqonaysa su’aasha 1-aad, maxay tahay muhiimadda ku jirta in dedaal intaa la’eg lagu bixiyo weerarka goob dadwayne?

Mar kastaba dhibku shacabka waa u badnaa mase jirin qirasho toos ah oo ku aaddan in toos shacabka weerar loogu yahay. Maxaa haatan is bedeley?

4 – Yoolka ama hadafka argagixisadu u qaado weerarrada arxan darrada ah waa in ay dadka dilaan, oo dhismayaasha burburiyaan. Yoolka DF muxuu yahay isagu?

5 – Maxaa keenay in isbarbar yaac iyo qorshe xumo badani ka muuqato tillaabada ay qaadeen hay’aadka amniga ee DF Somalia oo maalmihii dambe aad u hadal haysey inay dejisey qorshe ”dalka lagu xoraynayo” sida ay meelo badan ka sheegeen, waloow aysan weli samayn wax muuqda oo micne leh.

6 – Haddii dabaqii la galaba la dumiyo dad iyo dal maxaa haraya?

7 – Maxaa sahlaya mar kasta in kooxahan weerarka soo qaadaa ay soo galaan meelo amnigooda aad loo ilaaliyo oo aanay dadku xitaa dhib yari ku mari karin?

Tifaftirka

Hadalsame Media