“Waa baashaalayney!” – RW Finland oo ceeb dhex taagan & arrin loo malaynayo inay samaysay (Daawo)

0

(Hadalsame) 19 Agoosto 2019  – Ra’iisal Wasaaraha Finland ee Sanna Marin ayaa beenisey in ay maandooriye qaadatay kaddib soo bixidsa muuqaallo iyadoo cawaynaysa laga qaaday oo la sheegay in la maqlayay dad badan oo la joogey oo ka hadlaya maandooriyaha Cocaine-ka, kaas oo lagu faafiyay internetka.

Arrintan dood dhaliska ah ayaa sababtay in siyaasiyiinta qaar ay ugu baaqaan hofgaamiyahan da’da yar in laga qaado tijaabo daroogo.

“Waan ka xumahay in fiidiyowyadani ay noqdeen kuwo u ban-baxay dadwaynaha. Waxay ku saabsan yihiin aniga oo saaxiibo la baashaalaya oo xafladaynaya – xitaa si xamaasad leh oo wadata qoob ka ciyaar iyo heeso,” ayay Marin u sheegay warbaahinta.

Way se dafirtay inay wax khalad ah samaysay, laakiin waxay ku calaacashay ku xad-gudubka nolosheeda gaarka ah.

Xafladdu waxay ka dhacday guri gaar ah dhowr toddobaad kahor, sida ay tiri, waxayna filaysey in wixii shaqada ka baxsani ay ahaadaan qarsoodi.

Marin ayaa xaqiijisay in xafladdii habeenkaasi ay markii dambe ka sii socotey laba baar oo ku yaalka Helsinki.

Muuqaalkan oo lagu faafiyry baraha bulshada ayaa muujinaya Ra’iisal Wasaaraha Finland oo 36 jir ah oo waqti fiican la qaadanaysa dad badan oo bulshada caan ka ah oo u badan dhanka madadaalada, balse uu ku jiro xildhibaan Ilmari Nurminen oo 31 jir ah.

Sida ay sheegayaan wararka saxaafadda maxalliga ah, qaar ka mid ah dadkii xafladda joogey ayaa la maqlayey iyagoo ku qaylinaya eray tilmaamaya daroogada kookeynta.

Tiro ka mid ah siyaasiyiinta Finnish-ka ah ayaa ka dhawaajiyey walaac ku saabsan suurtagalnimada in arrintani ay dhaawac u gaysanayso muuqaalka Ra’iisul Wasaaraha.

Xildhibaan Mikko Karna waxa uu soo jeediyey in Marin ay si iskeed ah iskaga baarto daroogada oo ay natiijada u soo bandhigto si guud si aanay dadka uga tegin inay wax mala awaal ah.

Wuxuu kaloo sheegay inuu ka walaacsan yahay sumcadda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Xisbiga siyaasadeed ee Karna waa qayb ka mid ah isbahaysiga talada haya.

Jacaylka Marin ee nolosha cawayska ayaa noqday arrin doodi ka joogtey sannadkii hore, markii ay la baxday ninkeeda, saacado uun kaddib markii xubin ka tirsan golaheeda wasiirrada laga helay cudurka ‘Covid-19’.

Hadalsame Media