(Muqdisho) 19 Agoosto 2022 – MW hore ee DF Somalia, Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa markii ugu horreeysey hortegaya Golaha Shacabka ee Baarlamanka.
Ujeedka tillaabadan ayaa lagu sheegay in loo dhaarin doono xildhibaan sharafeed ahaan berri oo Sabti ah, sida ay qorayso Warbaahinta DF.
“Berri oo Sabti ah, taariikhdu tahay 20 Agoosto, waxaa jira kulan-waynihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya,” ayay qortay SONNA.
“Ajendaha kulanka ayaa ah; Dhaarinta Madawaynihii hore Md Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Adv Daahir – Xubin Guddiga Madaxabannaan ee Hirgelinta Dastuurka iyo Doorashada Guddoonka Guddiyadda Golaha Shacabka.” Ayay raacisay Wakaaladda Wararku.
Kulankan ayaa ka qabsoomi doona Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa, si loogu dhaariyo xildhibaan sharafeed abadi ah.
Farmaajo ayaa tan iyo markii looga adkaaday doorashadii madaxtinnimada ee 15-kii Maajo wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo horay u sheegay inuu iska celiyey Baasaboorkii Maraykanka ahaa.
The former President @M_Farmaajo will be sworn in tomorrow (Saturday) as permanent member of House of People of Federal Parliament.#Somalia pic.twitter.com/5Tx62Y4sDz
— SNTV News (@sntvnews1) August 19, 2022
Hadalsame Media