(Addis Ababa) 19 Agoosto 2022 – Diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines oo ka soo duushay dalka Sudan kuna sii jeedey dalka Itoobiya ayaa 15-kii bishan Agoosto degitaankii ka baaqatay kaddib markii labadii duuliye ay hurdeen.
Digniin ayaa la soo saaray markii duullimaadkii ET343 uu ku soo dhawaadey Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa, balse dayuuraddu ma aysan bilaabin inay kasoo hoobato jooggii sare, taasoo keentay walaac.
Kaddib markii ay diyaaraddu ay seegtay soo degistii, Maamulka Hawada ayaa isku dayey in ay la xiriiraan shaqaalaha diyaarada halka nidaamka duuliyaha otomaatigga ah ee diyaaraddu uu sii waday in ay ku socoto joog sare oo ah 37,000 cagood, sida ay sheegtay The Independent.
Markii ay diyaaraddu dulmartay dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan, ayaa waxaa is jaray duuliyaha diyaaradda ee otomaatigga ah, waxaana la maqlay qaylodhaan iyo dawan taasoo la sheegay inay soo kicisay duuliyeyaashii ay soo jeedisey shaqaalihii diyaaradda.
Kaddib duuliyeyaashii diyaaraddu way soo dejiyeen diyaaradda iyadoo daahsan 25 daqiiqo.
Sida laga soo xigtey xogta xakamaynta taraafikada hawada, diyaaraddu waxay sii wadday inay ku socoto 37,000 cagood kahor intaysan dhaafin dhabbaha ay diyaaraduhu ka duulaan, taasoo tuhun gelisey iyaga.
Deeply concerning incident at Africa’s largest airline — Ethiopian Airlines Boeing 737 #ET343 was still at cruising altitude of 37,000ft by the time it reached destination Addis Ababa
Why hadn’t it started to descend for landing? Both pilots were asleep. https://t.co/cPPMsVHIJD pic.twitter.com/RpnxsdtRBf
— Alex Macheras (@AlexInAir) August 18, 2022
Hadalsame Media